Madaxweynihii hore ee Somaliya oo codkiisa ku biiriyey khilaafka wadamada Kahliijka

Image

MUQDISHU- Madaxweynihii hore ee Somaliya Sharif Sheikh Axmad ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku faafiyey ku sheegey in dowlada Federaalka dib u eegis ku sameyso go'aankii dhexdhexaadnimada ahaa ay kaqaadatey khilaafka Khaliijka isagoo xusey in wadatashiyo la yeelato dhinacyada ay khuseyso.

" Go'aanka xukumada Somaliya ay ka qaadatey arrimaha Khaliijka waxaa uu iila muuqdaa mid lagu degdegey oo aan ka tarjumeyn masaaliixda dalkeena, waxaana shaki ku jirin in dalalka Sucuucdiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn oo aan leenahay xiriir qoto dheer oo dhan siyaasadeed iyo mid ganacsiba leh aan loo buburin karin kaliya dowlada Qadar oo aan ognahay heerka ay ka taagan tahay tageerada dalkeenna" 

Sharif Sheikh Axmad oo hadalkiisa sii wata ayaa dowlada Federaalka u sheegey iney ilaaliyaan danaha istiraajiga ee aan la wadaagno dowladaha Sucuudiga, Imaaraadka, Masar iyo Baxreyn.

Hadalka Madaxweynihii hore ayaa ku soo beegmaya xilli madaxda sadex maamul goboleed tageero u muujiyeen xulifada wadamada Sucuudiga iyo Imaaraadka iyagoo sheegey in go'aankaan dowlada federaalka ka qaadtey khilaafkaan aysan kala tashan.

Golaha xukuumada Federaalka ayaa kulankii Khamiista lasoo dhaafey isugu yimadeen ayidey go'aankii villa Somalia iyagoo sheegey in mowqifka dhexdhexaadnimada uu yahay midka kaliya oo wadamadaan ku dhameyn karaan khilaafkooda.

Madaxweynaha dowlada Fedraalka Somaliya ayaa la filayaa in 27 September booqashadii sadexaad tan iyo intii la doortey inuu ku tago dalka Sucuudiga iyadoo la filayo in ajendaha ugu weyn noqon doono go'aanka dowladiisa ka qaadatey khilaafka Khaliijka kaasoo aan farxad galin wadamada xulifada ah.

Dalka Sucuudiga ayaa hakiyey tageero dhaqaale uu siin lahaa dowlada Madaxweyne Farmaajo taasoo isugu jirtey kabida misaaniyada dowlada iyo dhismaayaasha kaabayaasha dhaqaale ee dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM