Madaxweynihii hore Somalia Sheekh Shariif oo Muqdishu tagay

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore dowladdii KMG ahayd ee dalka Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa maanta gaaray magaalada Muqdishu caasumadda Somalia.

Safarkan ayaa loo badinayaa inu qayb ka yahay tuhunka ah in Sheekh Shariif mar kale u taaganyahay madaxweynaha Somalia, in kastoo uusan wali ku dhawaaqin.

Diyaarad khaas ah oo mudane Shariif ka keentay dalka Kenya gaar ahaan Nairobi, ayaa soo cago dhigatay Garoonka Aadan Cadde, waxaana halkaas kusoo dhaweeyay, xubno katirsan xukuumadda waqtigeedu dhammaaday, Xildhibaano, Siyaasiyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaa xusid mudan in garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga mamnuucay warbaahinta.

Ammaanka magaalada Muqdishu, ayaa aad loo adkeeyay, waxaana amniga madaxweynihii hore Somalia sugayay ciidamo gaar ah iyo kuwo katirsan AMISOM.

Shariif ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay imaanshihiisa caasumadda Somalia, waxaana lagu wadaa in maalmaha soo socda uu ku dhawaaqo loollankiisa murashaxnimo.

Waddooyinka muhiimka ah ayaa maanta la xiray iyadoo imaanshihiisa aad looga dareemayay maalmihii ugu dambaysay Muqdishu.

Socdaalka Shariif ee Xamar, ayaa yimid xilli uusan wali ka hadlin muranka Badda la xiriira ee u dhaxeeya Somalia iyo Kenya, kaasoo lagu eedeeynayo madaxtii dalka xukumaysay 2009.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo Maraykanka u soo bandhigtay saldhigyo militari iyo khayraad dabiici ah

Tallaabadan ayaa muujinaysa tartan sii xoogeysanaya oo ku saabsan cidda noqon doonta lammaanaha ugu weyn ee Maraykanka ee Geeska Afrika.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 01:20PM

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dadaal Ugu Jira Inuu Joojiyo burburka Wadahadalada Doorashada

Tallaabadan ayaa u muuqata mid si toos ah uga horimaanaysa codsi ka yimid Villa Somalia oo ku aaddan in wadahadalada la sii wado.

  • Soomaliya

    23-02-2026

  • 11:21AM