Madaxweyniyaasha dowlad goboleedyada oo ku qulqulaya Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxda dowlad goboleedyada dalka ayaa kusii qul-qulaya magaalada xeebta ku taalla ee Kismaayo, halkaasoo uu ka furmayo maalinta berri ah [Isniinta, 3-da September] shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada.

Gollahan oo ka kooban shanta Madaxweyne ee Puntland, Galmudug, HirShabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxay kulankooda berri furmaya ay diiradda ku saari doonaan arrimo khuseeya maamulladooda iyo xaaladda guud ee dalka.

Saraakiisha maamulka Jubbaland ayaa ciidamo dheeraad ah, oo kuwa Kenya ay kamid yihiin dhigay wadooyinka Kismaayo, si ay amniga u adkeeyaan maadaama uu ka furmayo magaalada Shir muhiim ah, oo madax sare ay kasoo qeyb-galayaan.

Qaar kamid ah madaxweyniyaasha maamul goboleedyada ayaa maanta gaarey Kismaayo, waxaana la filayaa in dhamaan hogaamiye-yaasha ay caawa ku hoydaan magaalada, maadaama uu shirka berri furmi doono.

Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo lagu aas-aasay Kismaayo October, 2017, ayaa kulamo ku yeeshay caasimdaha maamullada, oo ay ugu dambeysay magaalad Baydhabo oo ay ku shireen madaxda bishii May ee sanadkan.

Shirka Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli xiriirka Jubbaland iyo dowladda Federaalka uusan wanaagsanayn, islamarkaana uu gaarey meeshii ugu hooseysay, iyadoo Villa Somalia lagu eedeeyay inay ka shaqeynayso sidii lagu bedelo lahaa Axmed Madoobe.

Sidoo kale kulanka waxuu imaanayaa iyadoo Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay kusoo wajahan yihiin doorashooyin, waxaana hogaamiyaasha hadda ka arrimiya maamulladan ay u xusul-duubayaan inay dib ugu soo laabtaan awoodda.

GAROWE ONLINE

 

 

 

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM