Madaxweyne Xasan Shiikh oo ku soo wajahan Puntland

Image

GAROWE- Wararka warsidaha Garowe Online helayo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somaliya oo waqtigu ka sii dhamaanayo ku soo wajahan yahay caasimadda Puntland ee Garowe.

Qorshaha safarka ee Madaxweyne Xasan Shiikh oo weli aan soo shaacbixin ayaa xogtaani sheegeysaa inuu la xiriiro ololihiisa doorasho ee 2016.

Booqashadaan ayaa la filayaa iney dhacdo markii Madaxwyne Gaas ka soo noqdo magalaada Addis Ababa.

Safarka Madaxweynaha Somaliya ayaa waxa ku weheliya kooxdiisa siyaasdeed ee Damul Jadiid kuwasoo Olole ka gali doona magaalada Garowe.

Xukuumada Puntland ayaa weli dhinacooda shaacin safarka la filayo in Xasan Shiikh ku yimaado Puntland inkastoo laga dareemayo diyaargarow xafiiska Madaxwyne Gaas.

Magalaada Garowe oo ay ka bilaami doonaan maalmaha soo socda xulashada xildhibanada aqalka sare iyo Hoose ayaa booqashada Xasan Shiikh diirada saari doontaa.

Madaxwyne Gaas oo xiriir wada shaqeyn dhow la leh Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa dadka siyaasada la socdaa aaminsan yihiin inuu jiro heshiis labada dhinac ah ee la xiriira arimaha doorashada 2016.

Mudane Gaas ayaa wararkaan sheegayaan in safar dhulka ah la mari doono Madaxweyne  Xasan Shiikh kaasoo ay ku tagi doonaan magalaada Galakacayo. 

Xasan Shiikh ayaa sidaan oo kale asbuucii hore safar kadis ah ugu tagey magaalada Jigjiga oo ah xarunta is-maamulka Somalida ee Ethiopia kaasoo la xiriirey ololihiisa doorasho.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM