Madxweynaha dowlada Federaalka oo hortagey Barlamanka Somalia

Image

MUQDISHO 30 June,2015 (GO)- Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa maanta hortagey Barlamanka Somalia isagoo halkaas ka akhriyey khudabd dhinacyo badan taabaneysa.

Xasan Shiikh ayaa Barlamanka Somalia kala hadley dhaqaale xumo uu sheegey iney haysato dalka iyo higsiga 2016 oo muddo kooban ka dhiman tahay.

" Arrimaha dib u qaabeynta maamulka maaliyada qaranka, dalkaan waxaan nimidey xili ay dhibaato badan ka jirto maaliyada, maareynta maaliyada dowlada waa waxa hadda diirada dowlada saaran tahay, wax badan waa lasoo saxey, weli ma gaarsiisna meeshii aan la jeclaan laheyn, wasaardeena maaliyada isbadall xoog leh ayaa ka sameysmey." ayuu yiri madaxweyne Xasan Shiikh isaga oo ka hadlayay arrimaha maaliyada.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa ka hadley guulaha dowlada ka gaartey la dagaalanka Al-shabaab iyo ilaalinta midnimada dalka isaga oo sheegey in kala qaybsanaanta dalka Woqooyi iyo Koonfur macno badan laheyn.

Hadalka madaxweynaha dowlada Federaalka ka jeediyey Barlamanka Somalia hortiisa ayaa yimid maalmo kadib marki ay soo baxeen warar sheegaya in misaaniyada dalka lagu takri faley.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa lagu eedeeyey in lacago farabadan siiyey Wasiirkii hore ee amniga Somalia Cabdikarim Guuleed kaasoo u sharaxan xilka madaxtinimada maamulka loo dhisayo gobolada dhexe ee Somalia halka warar kale sheegayaan in xildhibanaada Barlamanka diyaarinayaan mooshin ka dhan ah madaxa xafiiska ugu sareeya dalka.

HALKAN KA DHAGEYSO KHUDBADA MADAXWEYNHA- XIGASHO VOA

GAROWEONLINE

Related Articles

Imaaraadka oo Joojiyay Taageeradii Amni uu siin jiray dowladda Soomaaliya 

Wasiirka ayaa sheegay in taageerada Imaaraadku ay inta badan ku koobnayd dhinaca ciidamada iyo hay’adaha amniga.

  • Soomaliya

    17-02-2026

  • 08:54AM

Cirro: “Somaliland Waa Albaabka Mareykanku u Mari Karo La-dagaallanka Shiinaha iyo Argagixisada”

Dhanka kale, Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo muhiim ah.

  • Soomaliya

    16-02-2026

  • 04:22PM