​Magaca Maamulka cusub ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo la shaaciyay

Image

JOWHAR, Somalia- Ergada maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ee ku shirsan magaalada Jowhar, ayaa caawa isku raaceen in magac cusub oo yeelanayo maamulka shirkiisu socdo.

Magaca maamulkaasi ayaa laga dhigay Hir-Shabeelle.

Odayaasha ayaa sidoo kale maanta isku raacay, in Jowhar noqoto caasumadda maamulkan la dhisayo iyadoo maalmaha soo socdo meelmarin doonaan Dastuurkiisa.

Calanka Hir-Shabeelle ayaa ah mid u eg calanka dalka Somalia oo qeybta danbe lagu daray Webi iyo Geed, oo la micno ah Beeraha iyo Wabiga mara labada gobol.

Wararka ayaa sheegaya in Ergada uu ka dhexjiro Guux xoogan ah in Howsha ay qabanayaan lagu cadaadinayo, islamarkaana aysan ka hadlin karin waxyaabaha masiirkooda ah.

Madaxweynaha uu waqtigiisa dhamaaday Xasan Sheekh ayaa lagu eedeeyay inuu dedejinayo Shirka Jowhar, oo uu doonayo in maamulka cusub noqdo mid hogaankiisa majaraha u haayaan rag kamid ah xulufadiisa siyaasadda.

Ergadu waxay sheegeen in mas'uuliyiinta u maamulaysa Xasan Sheekh shirkaasi kusoo dareen Ergada Odayaal Cusub oo aan horey ugu jirin liiska, taasoo ay ka dhalatay buuq xoog leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM