Magacyada musharaxiinta guddonka aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia oo ku guda jira diyaargarowga doorashada gudoomiyaha golaha shacabka iyo labadiisa ku xigeen ayaa waxaa guddiyada qaban-qaabada doorashada loo soo gudbiyey liiska magacyada musharaxiinta u tartamaya xilalkaan.

Gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia ayaa waxaa u sharaxan saddex musharax kuwasoo ay ku jiraan gudoomiyahii hore ee golaha wakiilada waqtigiisu dhamaadey iyo xildhibaan ka tirsanaan jirey aqalka waqtigiisu dhamaadey.

Musharaxiinta u sharaxan xilka gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ayaa kala ah; Maxamad Cismaan Jawaari, Cabdirashid Maxamad Xidig iyo Cabdifataax Maxamad Ibraahim Geesey.

Musharaxiinta gudoomiyaha 1aad ee aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia ayaa ilaa hadda waxaa mahacayadooda warsidaha GO ogaadey:

1-Siciid Xusseen Ciid 

2-Khadiijo Maxamad Diiriye 

3- Cabdiweli Ibraahim Muudey 

4-khaalid Macow Cabdulqaadir 

5_ jaylaani Nuur Ikar

Gudoomiye ku xigeenka 2aad oo maraya 7 musharax ayaa ilaa iminka waxaa na soo gaarey xubnahaan; 

1-Burhaan Adan Cumar 

2- Mahad Cawad 

Tartanka gudoomiyaha aqalka hoose ee Barlamanka ayaa ah mid siyaasadeysan iyadoo xubnaha musharaxiinta madaxweynaha qaarkood kala tageersan yihiin xubnaha saddexda ah ee u sharaxan xilkaan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Somalia ayaa taggeraya Cabdirashid Maxamad Xidig. Xidig ayaa kasoo jeeda beesha Daarood kuwasoo musharaxiin farabadan u tartamayaan xilka madaxweynaha Somalia.


GAROWEONLINE 

Related Articles

Soomaaliya oo Taageertay Qaraarka Qaramada Midoobay ee qorshaha Trump ee Nabada Gaza

Mas’uuliyiinta ku xeel dheer mowqifka Soomaaliya ayaa sheegay in Muqdisho ay weli ka go’an tahay xalka laba-dal.

  • Soomaliya

    18-11-2025

  • 03:51PM

DFS oo sheegtay in macdan-qodis iyo baaris sharci-darro ay ka socdaan gudaha Soomaaliya

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo Soomaaliya uu ka jiro khilaaf ku saabsan maamulka khayraadka oo u dhaxeeya DFS iyo Maamullada.

  • Soomaliya

    17-11-2025

  • 12:38PM