Magacyada Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo, Baydhobo iyo Cadaado

Image

BAYDHOBO, Somalia - Kismaayo, Cadaado iyo Baydhobo waxaa maanta ka dhacay Doorashada aqalka hoose ee Baarlamaanka, waxaana kusoo baxay tartanka xubno badan, oo qaarkooda aan ku cusbayn Saaxada siyaasadda Somalia.

Haddii aan ku hormarno Kismaayo, waxaa dhacdey doorashadii 3-aad ee xildhibanada aqalka hoose, waxaana halkaasi lagu doortay Lix mudane oo kala ah;  

Haashim Nuur Aadan (46 cod)  

C/llaahii Abuukar Xaaji (46 cod)

Maxamed Cali Cumar (47 cod) 

C/qaadir Aadan Nuur (34 cod) 

Jibriil C/rashiid Xaaji (39 cod) 

Xasan Cabdi Ismaaciil (31 cod) 

Sidoo kale, waxaa magaalada Baydhobo lagu doortay  7 Xildhibaan oo kale ah; 

Aadan Ibraahim Dhaayow (50 cod) 

Xasan Cali Maxamed  (35 cod) 

Maxamed Jaamac Mursal  ( 48 cod) 

Cali Aden Xuseen (45 cod) 

Maxamud Macalin Yaxye (26 cod) 

Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed (43 cod) 

Khaliif Duurey 

Magaalada Cadaado waxaa lagu doortay; 

Mahad Maxa'ed Salaad, oo ah Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Somalia, oo ah shaqsi aad ugu dhaw Xasan Sheekh iyo Ganacsade lagu magacaabo Saciid Nuur Giirshe. 

Meelaha qaar, waxaa doorashada hareeyay musuq-maasuq iyo Kursi gadasho, waxaana lagu kala iibsanayay Kuraasta lacago aad u badan oo gaaraya $5,000, waxaana taasi keentay cabashooyin. 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM