Magacyada xubnaha cabashada laga keenay oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa soo bandhigtay magacyadda xubnaha kamid ah guddiyada doorashooyinka ee cabashada ay ka gudbiyeen Midowga Musharaxiinta kuwaasoo wadarta tiradooda ay tahay 67.

Iyaga oo metalaya Musharaxiinta madaxtinimada, madaxwayneyaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Guuleed, ayaa shalay la kulmay ra'iisul wasaaraha.

Afhayeenka guddiga Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay hubinta xubnaha cabashada laga qabo, ahna Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala, ayaa soo bandhigay magacyadda xubnahan.

Sida ay xoguhu caddeynayaan, 61 kamid ah xubnahan ayaa si toos ah cabashadooda loogu gudbiyey xafiiska Rooble, afar xubnood xafiiska afhayeenka Aqalka Sare iyo hal xubnood oo lagu hagaajiyey xafiiska guddoonka Golaha Shacabka.

Tabashada ka dhanka ah xubnahan ayaa waxay isugu jirtaa in ay yihiin shaqaale ka tirsan dowladda federaalka, saraakiil ka tirsan hay'addaha ammaanka gaar ahaan sirdoonka iyo in ay qaarkood yihiin taageereyaasha maamulka Farmaajo.

Mucaaradka ayaa sheegay in maamulka Farmaajo uu ku fekeraayey in xubnahan uu "ku boobo doorashooyinka una soo saaraan Xildhibaano liiskooda u sii qoran yahay".

Heshiiska ay Khamiista todobaadkii hore Muqdisho ku gaareen hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa xeerinaya in meesha laga saaro xubnahan kuwaasoo kamid ah qodobadii caqabada ku ahaa hirgelinta doorashooyin loo-wada-dhan-yahay.

Hoos ka akhriso magacyadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya oo Cambaareysay Weerarrada Iran kusii wado Dalal Khaliijka Carabta

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay taageersan tahay dhammaan dadaallada nabadeed ee lagu xallinayo khilaafaadka gobolka.

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 08:15PM

Laba Wasiir oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo is casilay kadib ansixinta dastuurka cusub

“Shacabka Puntland ayaa kursigan ii igmaday,” ayuu yiri. “Ma ka mid noqon karo waxyeello gaarsiinaya iyaga iyo dowladdooda.”

  • Soomaliya

    05-03-2026

  • 05:33AM