Mahad Salaad oo si adag u dhaleeceeyay Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu maanta soo dhigay bartiisa gaarka ah wuxuu weerar dhanka afka ah kusoo qaadey madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sharci-dejiyaha ayaa sheegay in Farmaajo uu ka qeybgeli doono shirka dhowaan ka dhacaya Muqdisho "isaga aysan aqoonsaneyn madaxda maamulada qaar".

Sidda laga soo xigtay mudanaha laga soo doorto Galmudug, meelmarinta heshiis kasta oo kulankaas kasoo baxa waxaa mas'uul ka noqonaya dalal shisheeye.

"Isagoo muddo xileedkiisii dhamaaday. Dalka aysan ka jirin doorasho heshiis lagu yahay. Kala irdheeyay dadkii Soomaaliyeed. Dambiyo dagaal ku eedaysan," ayuu Mahad Salaad soo dhigay page-kiisa shaqsiga ah ee barta Facebook.

Wuxuu ku daray: "Xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uu gaaray meeshii ugu xumeyd abid, ayaa beri mar kale loogu yeeri doonaa teendhadii lagu doortay 4 sano kahor si uu uga qayb galo shir agaasinkiisa isagu uusan lahayn, amniga ay ilaalinayaan ciidamo AMISOM ah, Madaxweyneyaasha ka qayb gelaya shirka qaarkood aysan Madaxweyne u aqoonsanayn isaga, meelmarinta waxa lagu heshiiyana mas’uul ay ka yihiin dowlado shisheeye!".

Dhanka kale, madaxtooyadda Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeynta iyo sheegashooyinka Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad.

Wadahadaladaas oo qorshuhu yahay in uu ku qabsoomo xeradda Afasiyooni ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa la filayaa in ay furmi doonan ugu yaraan dhamaadka asbuucan ama bilowdgaa todobaadka nagu soo fool leh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM