Mahdi Guuleed iyo xubno kale oo gaarey Netherlands

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague " si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya".

Soomaaliya ayaa dacwada u gudbisay Maxkamadda 2014, iyadoo diiday in qaab wadahadal ah lagu xaliyo muranka xuduuda badda labada wadanka.

Labada dal ayaa mudo dheer isku hayay lahaanshaha xuduuda badda oo midba kan kale ku eedeynayay inuu xaraashayo shidaalka ku jira, oo heshiis lagula galay shirkadda shisheeye.

ICJ ayaa bishii March ee sanadkan labo maalin dhageysatay dacwadda Soomaaliya u gudbisay, iyadoo Kenya ay qaadacday ka qeybgalka, waxayna u ku dooday inaysan u diyaar ahayn, maadaama uu saameeyay Covid-19 iyo diyaar-garow la'aan kooxdii u doodeysay.

Wafdiga tagey Maanta Hague waxaa kamid ah Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Midowga Yusuf, hadda ah gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Fiqi, Yuusuf Garaad iyo xeer ilaaliyihii hore Axmed Cali Daahir.

Kenya waxay wacad ku martay inaysan aqoonsan doonin xukun walba oo kasoo baxa Maxkamadda ICJ ee ku saabsan Kiiska Badda, waxayna sheegtay inaysan Maxkamadda sharciyad iyo awood midna u lahayn inay go;aan ka gaarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM