Mahdi Guuleed iyo xubno kale oo gaarey Netherlands

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wefdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Maxamed Guuleed ayaa gaaray magaalada Hague " si ay uga qeyb galaan go’aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee ICJ oo 12-ka bishan October ku dhawaaqi doonta xukunka dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya".

Soomaaliya ayaa dacwada u gudbisay Maxkamadda 2014, iyadoo diiday in qaab wadahadal ah lagu xaliyo muranka xuduuda badda labada wadanka.

Labada dal ayaa mudo dheer isku hayay lahaanshaha xuduuda badda oo midba kan kale ku eedeynayay inuu xaraashayo shidaalka ku jira, oo heshiis lagula galay shirkadda shisheeye.

ICJ ayaa bishii March ee sanadkan labo maalin dhageysatay dacwadda Soomaaliya u gudbisay, iyadoo Kenya ay qaadacday ka qeybgalka, waxayna u ku dooday inaysan u diyaar ahayn, maadaama uu saameeyay Covid-19 iyo diyaar-garow la'aan kooxdii u doodeysay.

Wafdiga tagey Maanta Hague waxaa kamid ah Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Midowga Yusuf, hadda ah gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed Fiqi, Yuusuf Garaad iyo xeer ilaaliyihii hore Axmed Cali Daahir.

Kenya waxay wacad ku martay inaysan aqoonsan doonin xukun walba oo kasoo baxa Maxkamadda ICJ ee ku saabsan Kiiska Badda, waxayna sheegtay inaysan Maxkamadda sharciyad iyo awood midna u lahayn inay go;aan ka gaarto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM