Mahdi Guuleed oo raaligelin siiyey mucaaradka

Image
Image

GAROWE, Puntland - Ra'iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed [Khadar], ayaa raaligelin ka bixiyey hadalkii dhowaan uu sheegay ee ahaa in ay wareega koowaad ku adkaan doonan doorashooyinja 2020-21.

Mahdi ayaa raaligelinta ku bixiyey dood uu kaga qeybgalay Madasha Aragti Wadaaga Heritage ee magaaladda Garowe.

Sidda laga soo xigtay sheegashadiisa, raaligelinta ayaa si toos ah ugu socota xubnaha Midowga Musharaxiinta Soomaaliya.

"Waxaan rabaa in aan shiweynahaan uga faa’iideysto in aan raalligelin ka bixiyo hadal aan horay u iri oo ahaa: wareegga koobaad ayaa lagu kala baxayaa. Arrintaas xaal iyo raalligelin ayaan ka bixinayaa. Musharraxiiney raalli ahaada. Ha baqanina, wareeggii koobaad xaal baa laga bixiyay. Garoonku waa noo wada furan yahay, ee soo diyaargarooba," ayuu yiri.

Bishii hore ee November 18-keeda, isaga oo ka hadlayey Tiyaatarka Qaranka, Mahdi ayaa sheegay in Farmaajo uu ku guuleysan doono doorashadda wareega koowaad isaga oo tusaale u soo qaatay coddeyntii Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Villa Soomaaliya ayaa faragelisay doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug waxaana ay kusoo saaratay musharaxiintii ay wadatay.

Dhawaqa Mahdi ayaa dab kusii shiday tuhunka Murashaxiinta ee ku aadan in maamulka Farmaajo uu maleegayo in uu ku shubto coddeynta.

Raaligelinta uu Mahdi Maxamed Guuleed ka bixiyey ayaa kusoo hagaageysa xilli is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21 la iskuna hayo guddiga maamulaya coddeynta iyo ciidamadda ku sugan gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM