Majaajiliste Ajakis oo ku geeriyoodey magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Majaajiliste Cabdi Muriidi Dheere oo loo yaqaaney [Ajakis], ayaa Maanta ku dhintay Isbitaal ku yaalla Muqdisho.

Ajakis ayaa maalmo kahor xanuun uu kusoo boodey loo dhigay Isbitaalka, iyadoo la sheegay in isla xanuunkaas uu saakay u geeriyoodey.

Farmaajo, madax kale oo muxaafid iyo mucaarad isagu jira ayaa tacsi ka diray geerida Ajakis, oo guud ahaan dalka iyo dibadda caan ka ahaa.

Ajakis wuxuu si gaar ah caan ugu ahaa tarjumaadda Filimaanta Hindiga, iyadoo mudooyinkii dambe barjaamij madadaallo ka qabanayay Universal TV.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM