Malaysia oo gargaar cunto iyo Daawo u direysa dalka Somalia

Image

Dowladda Malaysia ayaa qayb yar oo kamid ah askarteeda waxay u diri-doontaa Soomaaliya si ay uga qayb qaataan howlaha gurmadka ee shicibka Soomaaliyeed looga gargaarayo abaarta.

Wasiirka difaacada Malaysia ayaa tilmaamay in ciidanku haatan ku sugan yahay Riyaad, dalka Sucuudiga, loona diri doono Soomaaliya.

Wasiirka difaaca Hishammuddin  wuxuu yiri, "Go'aanka ah inaan ciidamo u dirno Soomaaliya wuxuu yimid markaan la kulmay raysalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Cumar Carte Qaalib."

Wasiirku wuu sii hadlay, "Cumar wuxuu wasaaradda daryeelka Malaysia ka codsaday inay Soomaaliya ka saacidaan cunto, daawo iyo dhakhaatiir."

Hishammuddin ayaa warfidiyeennada u sheegay in codsiga uga yimid Soomaaliya ay fiiro-gaar ah siiyeen ayna golaha wasiirrada Malaysia ansixiyeen shalay oo Jimce ahayd.

Gurmadka Soomaaliya loo dirayo waxaa la socda 3 sargaal iyo 17 ciidamada qalabka sida oo qaabilsan daawaynta. 

Waxaa hadalladiisa kaloo kamid ahaa, "Xubnaha u socdaalaya Soomaaliya waxay sidaan cunto iyo daawo, waxayna isticmaali doonaan diyaaradda nooceedu yahay Hercules C-130".

Ciidamada loo dirayo Soomaaliya ee haatan ku sugan Sucuudiga waa koox la doortay waxayna ka howlgaleen hadda kahor dalka Yemen oo ay kasoo badbaadiyeen shicib u dhashay dalka Malaysia oo Yemen ku sugnaa.

Sidoo kale dowladda Malaysia waxay raadinaysaa sidii dowladaha Carabta sida Sucuudiga, Baxrayn, Qatar iyo waddamada Asiyaha dhaca ay u saacidi lahaayeen Soomaaliya ayuu yiri wasiirka difaaca Malaysia.

Maxamed Jaamac Faarax 

Oslo, Norway Mjfaarax@gmail.com

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM