Maraakiibta caalamka oo loo diray digniin la xiriirta xeebaha Soomaaliya

Image

NAIROBI, Kenya – Xafiiska Caalamiga ah ee Badaha – International Maritime Bureau – ayaa qoraal ah uu soo saarey ku sheegay in xeebaha Soomaaliya ay wali yihiin kuwa u nugul weeraro ay ka fuliyaan burcad-badeeda.

Bayaankaas ku taariikheysan 15-ka September balse warbaahinta lala wadaagay asbuucii hore ayaa looga digay maraakiibta caalamiga ah in ay is-dhigtaan marka ay marayaan biyaha dalka dhaca Geeska Afrika.

Sidda laga soo xigtay war-saxaafadeedka oo si guud uga digay amniga mandiqada, maraakiibta waxaa looga baahan yahay in ay xoojiyaan taxadarka.

"Shufta badeeda Soomaaliya wali waxay awood u leeyihiin in ay fuliyaan weeraro[afduubasho ah]," ayaa la raaciyey qoraalkan uu faafiyey Defense Web.

International Maritime Bureau ayaa dhanka kale soo dhaweysay sii deynta saddex bad-maaxi Iiraaniyiin ah kuwaasoo magaalada Hobyo ee gobolka Mudug lagu qafaashay doon ay la socdeen sanadkii 2015.

Badmaaxiyiintaas ayaa la aaminsan yahay in ay yihiin tiradii ugu dambeysay ee in ka badan 3,600 dad oo burcad-badeedu qabsatay shantii sano ee u dambeysay.

Iiraaniyiinta dib u helay xorriyadooda ayaa dib ugu laabanaya waddankooda iyaddoo maraya baaritaano la xiriira hadii ay la nool yihiin safmareenka Covid-19.

Tan iyo dabayaaqada sanadkii hore 2019 illaa bilooyinka aan kasoo gudubnay ee 2020, lama soo warin weerar burcad badeed biyaha Soomaaliya. 2018, saddex doonyo ayaa lagu rasaaseeyay gobolka bariga qaaradda Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay kulan Gollaha Mustaqbalka

Madaxtooyadu waxay sheegtay in ajendaha kulanka uu ku saleysan yahay dardargelinta geeddi-socodka dowlad-dhiska.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 08:07PM

Markab Shidaal oo laga Afduubtay Xeebaha Yemen, loona leexiyay dhanka Soomaaliya

Ilaa iyo hadda lama shaacin cidda ka dambeysa afduubka, waxaana socda baaritaanno dheeraad ah oo arrintan la xiriira.

  • Soomaliya

    02-05-2026

  • 02:20PM