Maraykanka oo Baaq Degdeg ah usoo Diray Madaxda Soomaaliya Xilli uu Jiro Ismari-waa Doorasho
MUQDISHO - Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa maanta soo saartay baaq xasaasi ah oo ku socda hoggaamiyeyaasha Soomaalida, iyadoo ugu baaqday inay mudnaanta siiyaan "wadahadalka iyo tanaasulka" si looga gudbo ismari-waaga siyaasadeed ee hadda ka taagan doorashadda dalka.
Bayaan lagu daabacay barta X (oo hore loo oran jiray Twitter), ayay Safaaraddu ku sheegtay in wadahadalku yahay mid "adag balse lagama maarmaan ah," iyadoo madaxda ku dhiirigelisay inay sii wadaan raadinta xal dhex-dhexaad ah oo dalka u horseeda degganaan.
"Geeddi-socod siyaasadeed oo midaysan wuxuu ka hortagaa argagixisada, wuxuu xoojiyaa maamul-wanaagga, wuxuuna horumariyaa arrimaha hortabinta u leh Soomaaliya iyo beesha caalamka," ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda.
Baqaan ayaa ku soo beegmaya xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya wajaheyso ismari-waa dhanka doorashada ah. Iyadoo mudada xil-haynta dowladda Federaalka ay ku dhowdahay dhammaadkeeda May 2026, waxaa weli jira kala aragti duwanaansho xooggan oo u dhexeeya dowladda dhexe, mucaaradka, iyo qaar ka mid ah dowlad goboleedyada.
Maraykanka iyo saaxiibada caalamka ayaa rumeysan in haddii aan la helin heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, ay taasi wiiqi karto guulihii laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo dhismaha hay’adaha dowladda.
Farriintan ayaa loo arkaa digniin ku socota madaxda Soomaalida, iyadoo la xasuusinayo in taageerada caalamiga ah ay ku xiran tahay isfaham iyo wadajir siyaasadeed.
Wadahadal shalay Mucaaradka iyo Madaxweyne Xasan Sheekh ku yeesheen Madaxtooyadda ayaa fashil ku dhamaadey, waxaana gollaha Mustaqbalka ay leeyiin kulamo kale oo uga tashanayaan arrimaha la isku mari la'yahay ee hanaanka doorashadda kus aabsan.
GAROWE ONLINE