Maraykanka oo digniin culus u diray Dowladda Federaalka Soomalaiya ee waqtigeedu dhamaadey

Image

Muqdisho (GO) – Dowladda Maraykanka ayaa si rasmi ah ugu wargelisay Midowga Afrika inay ka soo horjeeddo in Qaramada Midoobay ay sii waddo maalgelinta iyo taageerada saadka ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) marka uu dhammaado sanadkan, tallaabadaas oo la rumeysan yahay inay khatar gelin karto sii socoshada howlgalka.

Warqad diblomaasiyadeed oo ay heshay Reuters ayaa muujinaysa in Washington aysan taageeri doonin in la kordhiyo shaqada Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), kaas oo bixiya adeegyada muhiimka u ah howlgalka AUSSOM, sida gaadiidka ciidanka, shidaalka, biyaha, cuntada iyo adeegyada caafimaadka.

Inkastoo Maraykanku uusan diidanayn in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay cusboonaysiiyo muddo xileedka AUSSOM, wuxuu sheegay inuu ka soo horjeesan doono qorshe kasta oo ay ku jirto in Qaramada Midoobay sii waddo taageerada saadka ama howlgalka.

Howlgalka AUSSOM oo ay ku jiraan ku dhowaad 12,000 oo askari ayaa laf-dhabar u ah amniga dowladda federaalka ee Muqdisho, isagoo ka qeyb qaata dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, oo weli gacanta ku haysa deegaanno badan oo ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump ayaa sare u qaaday dhaleeceynta uu u jeedinayo dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ku mashquulsan tahay khilaaf siyaasadeed, isla markaana aysan gaarin horumar muuqda oo dhinaca amniga ah inkastoo ay heshay taageero caalami ah oo socotay muddo dheer.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa Reuters u sheegay in dalkoodu uu bixiyay ku dhowaad $2 bilyan oo lagu maalgeliyay UNSOS iyo howlgalladii ka horreeyay.

Afhayeenku wuxuu sheegay in, inkastoo lacagtaas la geliyay, Soomaaliya aysan weli awoodin inay si madax-bannaan ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka ama ay sii waddo guulihii laga gaaray xakameynta Al-Shabaab.

“Ma sii wadi karno maalgelinta howlgal aan gaarin ujeeddooyinkiisii aasaasiga ahaa, isla markaana dhaqaale ka leexinaya mudnaanta kale ee amniga ee si toos ah ugu adeegaya danaha Maraykanka,” ayuu yiri afhayeenka.

Dhinaca kale, Guddiga Midowga Afrika ayaa dalalka xubnaha ka ah ku wargeliyay in go’aanka Maraykanku uu yeelan doono saameyn weyn oo ku saabsan saadka, qaabka howlgalka iyo maalgelinta AUSSOM.

Xildhibaan Axmed Kooshin, oo hore u soo noqday Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa Reuters u sheegay in tallaabadan ay “yeelan doonto cawaaqib weyn oo Soomaaliya ku saabsan.”

Ilaa iyo hadda, Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, Midowga Afrika iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ee arrintan khuseeya kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles