​Maraykanka oo digniin kasoo saaray musuqa doorashada Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Safaaradda Maraykanku uu ku leeyahay dalka Somalia, ayaa ka hadashay doorashooyinka kasocda dalka iyo musuqmaasuqa hareeyay soo xulista xubnaha aqalka hoose iyo tartanka loogu jiro Madaxweynaha.

Qoraal lagu qoray barta Twitterka ee Safaaradda, ayaa digniin loogu diray muwaadiniinta asal ahaan kasoo jeeda waddanka balse haysata dhalashada Maraykanka, waxaana loogu baaqay inaysan faraha la galin musuqa iyo wax is-daba marinta Somalia ka socota.

Waxaa sidoo kale loogu goodiyay in sharciga dalkaas ogolaanayo in ruuxii lagu helo dambi caynkan ah iyo khiyaamo maxkamad lasoo taagi karo.

Arrintan ayaa timid kadib markii shakhsiyaad dhowr ah oo haysta dhalashada waddankaas, balse asalkoodu yahay Soomaali oo u tartamay labada aqal ee Barlamanka looga shakiyay inay ku lug darsadaan waxyaabaha socda halka qaybtood yihiin murashaxiin Madaxweyne.

Beesha Caalamka ayaa horay uga digtay marxaladda doorashadu kusocoto iyagoo naqdiyay in la jabiyo dastuurka islamarkaana la siyaadiyo xubnaha aqalka sare, waxayna su'aal galiyeen qaabka ay ula shaqayn doonaan dowlad ku dhalatay musuq.

Waxa kaloo aad uga walaaceen sidii madaxda madashu u wajaheen kuraastii la diidanayaa doorashadooda, kuwaasoo lagu celiyay 5 mudane oo kaliya halka la fasaxay intii kale.

Digniinaha beesha caalamka ayaa laga cabsi qabaa inay saamayn ku yeeshaan xaaladda Somalia oo hadda maraysa meel halis ah.

Ilaa hadda majirto wax go'aan ah oo kasoo baxay madaxda madasha, balse Xasan Sheekh oo dhaarinta Xildhibaanada hadlay, ayaa difaacay khaladaadkii dhacay, wuxuuna u sababeeayay duruufaha lagu jiro.

Shalay ayay ahayd markii la dhaariyay 283 xildhibaan oo isugu jira labada Aqal ee Barlamanka, waxaana lagu wadaa inay muddo u qabtaan doorashada madaxweynaha oo dhowr jeer dib loo dhigay.

Waxaa looga fadhiyaa inay go'aan ka gaaraan Ajandayaal horyaalla Xildhibaanada cusub oo ah xilliga doorashada iyo waliba inay iska soo dhex-saaraan Afhayeennadii labada Aqal.

GAROWEONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM