Maraykanka oo Farmaajo ka codsaday inuu qarameeyo ciidamada Maamullada Somalia

Image

NEW YORK, USA- Dowladda Mareykanka ayaa kasoo hor-jeysatay qorshe cusub oo la doonayo in Qorshaha Midowga Africa ee Somalia la hoos-geeyo Howlgalka Nabad Ilaalinta Qaramada Midoobay.

Ku-xigeenka Wakiilka Dowladda Mareykanka ee QM Michele Jean Sison ayaa ka hor-sheegtay Golaha Amaanka Khamiistii lasoo dhaafay in xilligan aan la joogin waqti la badali karo qorshah AMISOM.

Michele Jean Sison ayaa sidoo kale xustay in ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM ay ku filanyihiin wiiqista Al Shabaab iyo ammaanka guud ee dalka.

"Iyadoo la eegayo caqabadaha amni iyo xaaladda Somalia, ma qabo in xilligan la hoos-geeyo Howlgalka AMISOM midka Nabad Ilaalinta QM, waayo taasi waqti badan ayay qaadanaysaa, oo Al shabaab-na fursad ayay u tahay," Ayay tiri Michele Jean Sison.

Ku xigeenka Wakiilka Dowladda Mareykanka ee QM Sison ayaa ugu baaqday Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo inuu qarmeeyo ciidanka maamul goboleedyada, si ay mas'uuliyadda amniga Somalia ugala wareegaan AMISOM marka la gaaro 2018-ka.

Sison ayaa intaas ku dartay in Mareykanka kala kaashan doono Deeq-biyaasha sidii ciidamada AMISOM si wanaagsan u heli lahaayeen mushaaraadkooda iyo agabkii ay ku howlgali lahaayeen.

Hadalka Michele Jean Sison ayaa yimid markii dhawaan Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ka codsaday Xogyahaya Guud ee QM mar uu kula kulmay Nairobi in Howlgalka AMISOM loo weeciyo dhanka QM, kadib markii ay Midowga Yurub ay bixin waayeen mushaarka ciidamada AMISOM.

Ciidamada AMISOM ayaan helin mushaar ah 8 bilood ee ugu dambeeysay, waxaana Madaxdooda arintaasi ku eedeeyeen Midowga Yurub, oo hakiyay Lacagtii lagu bixin jiray kharashaadka ciidamadaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sarkaal Sare oo ka Tirsan Al-Shabaab oo Gacanta lagu Dhigay

Taliyaha Qaybta Koobaad ee AUSSOM, Jackson Kayanja, ayaa ku bogaadiyay ciidamada wadajirka ah guusha ay ka gaareen howlgalkan.

  • Soomaliya

    04-04-2026

  • 12:11PM

Hoobiyeyaal lagu garaacay garoonka Baydhabo xilli uu ka degay Xasan Sheekh

Amniga madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamo ka socda dalka Ethiopia.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 07:44PM