Maraykanka oo war cusub ka soo saaray weerarkii Bariire

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Mareykanka ee qaaradda Africa [AFRICOM] ayaa war cusub kaoso saarey weerarkii 25-kii bishii August ee sanadkan ay ka fuliyeen deegaanka Bariire ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qoraalka AFRCIOM oo nuqul kamid ah lasoo gaarsiiyay Warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in aysan jirin dad shacab ah oo ku dhintay howlgalkii Bariire oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

AFRICOM waxay intaasi ku dartay in hogaanka howlgallada gaarka ee Mareykankaee Africa (SOCAF) baaritaan iyo qiimeyn uu ku sameeyay weerarka ay ku ogaadeen in dadkii ay dileen ay ahaayeen Al Shabaab.

Waxaa sidoo kale lagu xusay War Saxaafadeedka in kahor howlgalka ciidamada Mareykanka la fuliyaan saaxiibadooda Soomaaliya ay SOCAF sameyso qorsho fahfaahsan iyo isku daba-rid si loo yareeyo khasaaraha shacabka.

Talihihii hore ee ciidamada xoogga dalka Jeneraal Axmed Maxamed Jimcaale (Cirfiid ), ayaa qiray in weerarkii Bariire lagu dilay 10 qof oo shacab ahaa, oo saddex kamid ah ahaayeen caruur aan qaangaarin.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lacag magdhaw ah ka bixisay dilka shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM