Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Image

Muqdisho – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay sii xoojin doonto taageerada ay siiso shacabka iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo adkeysay inay garab taagan tahay dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada iyo musuq-maasuqa.

Bayaan uu soo saaray Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka munaasabadda 66-guurada xorriyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Washington ay garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed "dagaalka ay kula jiraan argagixisada iyo musuq-maasuqa," iyo sidoo kale dadaallada lagu dhisayo mustaqbal nabdoon oo barwaaqo ah.

"Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa, iyo dadaallada ay ugu jiraan dhismaha mustaqbal barwaaqo leh," ayaa lagu yiri bayaanka.

Mareykanka ayaa sidoo kale muujiyay rajada uu"Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa ka qabo inuu dowladda Soomaaliya kala shaqeeyo horumarinta nabadda iyo xasilloonida inta lagu jiro sannadka soo socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed oo Bogaadiyay Taageerada Turkiga ee Soomaaliya [Sawirro]

Wixii markaas ka dambeeyay, Turkigu ballaariyay gurmadkiisa bani’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed ee uu ka fulinayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 02:19PM

Wareysi Washington ka dhacay oo dhaliyey dhaliilo loo jeediyey Madaxweyne Cirro

Cirro ayaa 14-kii Sebtembar ka hadlay Hudson Institute, oo ah xarun cilmi-baaris…

  • Soomaliya

    17-09-2026

  • 03:28AM