Mareykanka oo beeniyay in sarkaal sare looga dilay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa beeniyay in sarkaal sare looga dilay howlgal uu ka fuliyay tuuladda Daaru Salaam ee gobolka Shabeellaha Hoose, habeenkii Isniinta.

Howlgalka oo isugu jiray weerar cirka iyo dhulka ah ayaa lagu beegsaday saldhigyo degaankaasi ku lahayd Al-Shabaab.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda oo sheegtay in ay iska caabisay duulaankaasi ayaa tilmaamtay in ay ku dishay sarkaal Ameerikaan ah ayna ku dhaawacday labo kale oo Soomaali ah.

"Dhamaan ciidamada Mareykanka way badqabaan, mana jiro wax dhaawac ah," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay AFRICOM, wallow aanu soo hadal-qaadin khasaaraha xoogaga dowladda.

Taliska ayaa intaasi ku daray in sideed kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku khaarijiyeen howlgalkaasi.

"Illaa iyo haatan waxaan xaqiijinay in uusan jirin waxyeelo dad shacab ah soo gaarey," ayaa laga soo xigtay bayaanka.

Bishii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale uu Mareykanku gaashaanka ku dhuftay in askar ay looga dilay weerar ay Al-Shabaab ku qaaday saldhiga Beladoogle, oo Koonfur Galbeed uga aadan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM