Mareykanka oo codsi u diray DF Soomaaliya iyo maamul goboleedyada

Image

NEW YORK, US – Dowladda Federaalka iyo maamulada waa in ay sii wadaan wadahadalada iyo in ay wada ogol ka gaaraan dhamaan arrimaha ku xeeran geedi u socodka doorashooyinka, sidda uu ugu baaqay Mareykanka.

Kelly Craft, ergayga Washington u qaabilsan Qaramada Midoobay oo dalabkaas u dirtay xukuumada Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, ayaa hoosta ka xariiqdey ahmiyada ay leedahay in coddeynta aysan dib u dhicin.

"Waxaan ka dalbaneynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah in ay sii wadaan wadaxaajoodyadda iyo in ay wada ogol ka gaaraan dhamaan arrimha ku geedaaman geedi u socodka doorashooyinka, laga bilaabo gudiyadda maamulaya kuraasta Somaliland ee baarlamaanka," ayay ka sheegtay Kulanka Golaha Amaanka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya.

Baaqa Washington ayaa imaanaya xilli uu is-mari-waa ka taagan yahay guddiyadda maamulaya coddeynta. Murashaxiinta waxay sheegeen in xubnaha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle ay faragelisay dowlada.

Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen ayay ku xuseen in dowladda ay guddiyadaas ku dartay saraakiil sirdoon iyo shaqaale dowladeed, waxaana ay cod dheer ku codsadeen in meesha laga saaro si dhexdhexaadnimada loo xaqiijiyo.

Murashaxiinta oo maalintii afaraad ku shirsan Muqdisho ayaa la filayaa in ay soo saaraan bayaan ay ku caddeynayaan talaabooyinka ay qaadayaan hadii dowladda ku adkeysato xubnaha ay haatan kusoo darsatay guddiyadda.

Is-qabqabsigaan ayaa horey u baajiyey jadwalkii ay horey ku heshiiyeen dowladda iyo maamulada kaasoo xeerinayey in xulista Xildhibaanada ay bilaabato 1-da November, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafka uu sii xoogeysto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Roobow oo ku yiri Al-Shabaab: Muqdisho noqon mayso sida Kabul iyo Dimishiq

Mukhtaar Roobow, oo horey u ahaa hogaamiye ku-xigeenka Al-Shabaab, wuxuu isku soo dhiibay dowladda 2017.

  • Soomaliya

    10-03-2025

  • 05:55AM

Wasiirka Difaaca Soomaaliya: Awoodda Al-Shabaab waxaan ku daciifinay duqeymo

Sidoo kale, in ka badan 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa lagu dilay duqeyn hawada ah, taas oo ka dhacday deegaanka Ceel-Bacad.

  • Soomaliya

    09-03-2025

  • 08:22PM