Mareykanka oo cunaqabateyn kusoo rogay Abu Yasir Xasan

Image

DAR ES SALAAM, Tanzania – Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay Abu Yasir Xasan. Sidda ay warisay saxaafadda, shaqsigan u dhashay waddanka Tanzania waxaa loo haystaa in uu xubin firfircoon ka yahay maleyshiyo xiriir la leh Daacish oo ka howlgasha waddanka Gaaska hodanka ku ah ee Mozambique.

Sidda ku xusan warbixinadda, Abuu Yaasir ayaa fadhigiisu yahay gobolka Cabo Delgado ee ku yaala waqoyga fog ee qaranka Mozambique-ka.

Wargeyska Daily Nation ayaa intaas ku daray in Washington ay xayiraad kusoo rogtay hantida uu leeyahay Mr Xasan iyo ururkiisa ISIS-Mozambique.

"Muwaadiniinta Mareykanka waxaa laga mamnuucay in ay xiriir ganacsi la sameeyaan Mr Xasan, shaqsiyaadka ku dhow iyo guud ahaan kooxdiisa," ayaa la raaciyey qoraalka la sheegay in uu kasoo baxay Dowlada Mareykanka.

Taliska booliska waddanka Tanzania oo jariiraddu sheegtay in ay la xiriirtay si ay wax uga waydiiso qoraalka dowladda Mareykanka ayaa ku gaabsaday in ay hubin doonan isla markaana aysan wali soo gaarin faafin rasmi ah.

"Illaa haatan, ma aanan helinw arbixin ku saabsan go’aanka. Sikastaba ha ahaatee, waxaan ku sameyn doonaa dabagal iyo hubin si aan u xaqiijino sharciyadda macluumaadkaas," ayay majaladda kasoo xigatay taliska booliska.

Mozambique oo ah waddan ku yaala koonfurta qaaradda Afrika ayaa waxaa ka howlgalo kooxo Islaamiyiin ah kuwaas oo lagu kala magacaabo Al-Shabaab iyo Daacish. Inta badan waxay ka howlgalaan gobolka ay ka socdaan mashaariicda horumarinta gaar ahaan dhanka soo saarista shidaalka cayriinka iyo gaaska.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM