Mareykanka oo dalab u diray Farmaajo iyo maamuladda

Image

WASHINGTON, USA – Madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hogaamiyeyaasha maamuladda waa in ay si deg-deg ah u soo afjaraan jahwareerka siyaasadeed ee dalka u galay qabsoomida doorashooyinka awadeed, sidda ay cod dheer ugu baaqdey dowlada Mareykanka.

Richard Mills, sii-haayaha ergayga gaarka ah ee Washington u qaabilsan Jamciyada Qurumaha Ka Dhaxeysa oo ka hadlay fadhigii gaarka ahaa ee UN-ka ka yeeshay arrimaha Soomaaliya, ayaa hoosta ka xariiqay ahmiyada ay leedahay in la xaqiijiyo in aysan habraacyo ama doorashooyin is-barbar socda.

Sidda laga soo xigtay diblumaasiga, doorasho hal dhinac ah, geedi-socod is-barbar-socda iyo qabashada doorasho kale oo ay kamid tahay yagleelida nidaam ku meelgaar ah waxay sii hurineysaa xasilooni daradda waddanka.

Mills ayaa caddeeyay in Washington ay taageereyso soojeedinta Guddiga Farsamo ee 16-kii Febraayo ku shiray caasimadda ku meelgaarka Jubaland ee Baydhabo, waxaana ay ku talisay in deg-deg loo bilaabo dhaqan-gelinta.

Fulinta, sidda uu xusay danjiraha, waa muhiim in ay leedahay jadwal cad oo lagu xalinayo "xiisada siyaasadeed ee halista ku ah mustaqbalka Soomaaliya".

"Kala-guur siyaasadeed oo waqtigiisa ku habboon oo nabad ah, iyo ballan-qaad cusub oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha xubnaha ka ah Federaalka si ay u wada shaqeeyaan, ayaa looga baahan yahay in Soomaaliya ay si deg-deg ah wax uga qabato howlaha badan ee horyaala," ayuu hadalkiisa ku daray safiirka.

Ugu dambeyntii, Richard Mills ayaa carabka ku adkeeyay in dowladda Mareykanka ay meel adag ka taagan tahay adeegsiga rabshadaha, wuxuuna ka shanqariyey in kaliya heshiis iyo wada-ogol looga gudbi karo mar-xaladdan, balse masoo hadal-qaadin in saxiixa heshiiska ay kawada qeybgalaan dhamaan saamileyda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM