Mareykanka oo dib u bilaabaya taageerada ciidanka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqdey in ay qeyb ahaan dib u bilaabeyso taageerada ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Washingon ayaa waxay hakisay taburacaada milatariga bishii December sanadkii 2017-kii, sababo la xiriirka "musuq-maasuq iyo isla xisaabtan la'aan".

Balse ma aysan caddeyn qeybta ay dib u fasaxdey taageerada ay horey u siin-jirtay ciidanka.

Dowladda Federaalka oo talaabadan ka fal-celiyey ayaa soo dhaweeyay, waxayna sheegeen in ay door ka qaadaneyso dib u habeynta hadda ku socota xoogaga dowladda.

Mas'uuliyiinta Soomaaliya ayaa shaaciyey in go'aankan uu Mareykanku qaadey kadib "markii wax laga bedelay eedeymihii uu horey loogu jeediyey taliska ciidanka".

Taageerada Mareykanka uu siiyo ciidanka wadanka leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika oo u badan lacago malaayiin doolar ah ayaa ku baxda saanada iyo sahayda.

Sidoo kale Mareykanka ayaa wuxu tababar siiyaa ciidanka Soomaaliya, si gaar ah guutada loo yaqaano Danab oo fuliya howlgalada gaarka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidankan ayaa waxa ay ku xareesan yihiin saldhiga Beladoogle oo ku yaala gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo tababarkooda lagu siiyo ayna ka qaadaan gulufyadda.

Dib u bilaalista taageerada ayaa imaaneysa xili Mareykanka uu horey balanqaadey in todobada sano ee soo aadan uu kusoo afjarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda gacansaarka la leh Al-Qaacida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM