Mareykanka oo difaacay duqeyntii gobolka Mudug

Image

WASHINGTON, USA - Wasaaradda gaashaandhiga Mareykanka ayaa difaacdey duqeyn ay Talaadadii todobaadkii hore ka fuliyeen Soomaaliya taasoo su'aallo ka keentay Xildhibaan Ilhaan Cumar.

Lloyd Austin, oo ah wasiirka difaaca Mareykanka, ayaa sheegay in howlgalkaas dhanka cirka ah uu ahaa mid ay ku taageerayeen xulafooda Soomaaliya oo khatar kala kulmay Al-Shabaab.

"Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab," ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isaga la safraya ee ku sugan saldhigga ciiddamada cirka ee Alaska.

Ilhaan ayaa warqad ay u dirtay madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden waxay ku dalbatay in uu sharaxaad ka bixiyo sharciyadda iyo saameynta ka dhalatay howlgalkaas dhanka cirka ah kuna wargelisay in la baarlmaray siyaasadiisa ee howlgaladan noocaan kale ah.

Siyaasadaas oo maamulka Biden soo saarey oo hadafkeedu yahay in la yeerayo ama laga hortago waxyeelada shacabka ayaa xeerineysa in amar kasta uu duqeyn lagu fulinayo ay qasab tahay in uu ogolaanshiyaha ugu dambeeya uu ka yimaado Aqalka Cad.

Sida saxaafadda Mareykanka ay xaqiijisay, duqeyntii dhacdey Talaadadii todobaadkan fasax lagama bixin Washington. Waaxda difaaca Mareykanka waxay cuskatay "difaac nafsi". Balse, Ilhaan Cumar waxay tibaaxdey in ay tahay "qiil aan marnaba loo meel-dayi karin".

Duqeyntan oo Talaadadii ka dhacdey gobolka Mudug gaar ahaan duleedka Gaalkacyo ayaa lagu dilay in ka badan 50 dagaalame oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan saddex sarkaal ajaaniib.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM