Mareykanka oo digniin culus u diray Farmaajo iyo Rooble

Image
Washington ayaa walaac ka muujisay kala aragti-duwanaanta xoogeysatay ee hogaanka Soomaalida.

MUQDISHO, Soomaaliya – Wadashaqeynta Farmaajo iyo Rooble waxay muhiim u tahay in geedi-socodka doorashooyinka Soomaaliya uu guuleysto, sida ay Isniinti shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

"Muranka madaxwayne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Rooble wuxuu halis ku yahay dhameystirka geedi-socodkan waxaana loo baahan yahay In ay si deg-deg ah oo nabadeed u dhameeyaan," ayaa la raaciyey warka qoraalka.

Washington oo soo dhaweysay ifafaalaha ay muujiyeen dhinacyada oo ah in ay ka go’an tahay qabashada doorashooyinka ayaa xustey in ay ka walaacsan tahay in jadwalka laga dib-dhacay muddo bilooyin ah.

"Dib-u-dhac kasta wuxuu kor-u-qaadayaa suurtagalnimada rabshado wuxuuna door ka cayaarayaa in Al-Shabaab iyo kooxo kale ee hubeysan ay xasilooni darro u horseedaan dalka," ayaa la raaciyey war-saxaafadeedka.

Farmaajo iyo Rooble ayay ku waanisay in aysan soo saarin qoraalo kale oo iska soo horjeeda ama talaabooyin ay isugu jawaabayaan waxayna ku boorisay in ay si xal ka gaaraan shaqsiyaadka magacaabidooda isku qabteen.

"In si deg-deg ah loo dhameystiro geedi-socodka doorashooyinka waxay muhiim u tahay ajandaha la dagaalanka argagixisada waxayna dowlada xigta u ogolaaneysaa in ay ka jawaabta baahida dadka Soomaaliyeed," ayaa lagu soo xiray bayaanka.

Farmaajo iyo Rooble ayaa isku-maan-dhaafay qaabka loo maareynayo kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka qaranka taasoo la waayey ku dhowaad saddex bilood kahor laguna hayn nolol iyo geeri.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee khilaafka dastuuriga ah ee Soomaaliya u saameynayaa amniga Geeska Afrika?

Falanqaynta caalamiga ah ayaa ku baaqaysa in degdeg xal loogu helo khilaafkan ka hor inta aysan xaaladdu faraha ka bixin.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 12:58PM

Muxuu salka ku hayaa safarka Xasan Sheekh ee Kenya ka dib dhammaadkii muddo-xileedkiisa?

Nairobi ayaa muddo dheer u adeegi jirtay xarun muhiim u ah go'aamada iyo wadahadallada siyaasadda Soomaaliya ee daaha gadaashiisa ah.

  • Soomaliya

    22-06-2026

  • 07:01AM