Mareykanka oo digniin kasoo saarey doorashooyinka Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa qoraal ay soo dhigtay barta ay ku leedahay Twitter-ka waxay kaga digtay doorashooyin is-barbar-socda iyo rabshado, iyadda oo hoosta ka xariiqdey ahmiyadda ay leedahay tanaasul si looga gudbo is-mari-waaga doorashooyinka.

Dhawaqa Washington oo kamid ah daneeyeyaasha ugu muhiimsan ee Soomaaliya ayaa yimid kadib markii Donald Yamamota uu maanta Muqdisho kula kulmay qaar kamid ah musharaxiinta.

Diblumaasiga Ameerikaan ah oo musharaxiin kala la hadlay khilaafka ka taagan coddeynta 2020-21 ayaa Sabtidii dib ugu soo laabtey Muqdisho kadib fasax uu galay bilowgii sanadka 2021-ka.

"Waxaan kala hadalnay [Cabdikariin Xuseen] Guuleed, Xasan [Cali] Kheyre, Cabdinaasir iyo Shariif Xasan baahida loo qabo in la gaaro xal isu tanaasul ah si loo qabto doorasho waqtigeeda ku dhacda oo lagu kalsoonaan karo. Lama aqbalayo doorasho hal dhinac ah. Lama aqbalayo doorasho[oyin] isbabar socda. Lama sameyn doonno habraacyo kala duwan. Lama aqbalayo rabshado," ayaa lagu yiri qoraalka lagu daabacay bogga Twitter-ka ee safaaradda.

Qodobadda ugu culus ee haatan muranka ka taagan yahay doorashooyinka Soomaaliya ayaa kala ah; ciidanka dowladda ku daabushay gobolka Gedo, guddiyada Villa Soomaaliya ku darsatay xubnaha aan dhexdhexaadka ahayn iyo xulista wakiilada Somaliland.

Is-faham-waaga ayaa u muuqda mid aan lagu xalin dedaalo muddooyinkii dambe wadday Beesha Caalamka, waxaana caqabada ugu weyn ay ka imaaneysaa Vilal Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo oo kasoo horjeeda wadahadalo horleh isla markaana doonaya in telefon lagu dhameeyo khilaafka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM