Mareykanka oo duqayn cusub ka gaystey Somalia [Imisa ayaa ku dhimatay?]

Image

BAYDHABO, Somalia - Militeriga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn cusub oo dhanka cirka ah ay ka geysteen Koonfurta Somalia Talaadadii, 8-da January, taasoo lala eegtay goob ay ku sugnaayeen xoogaga Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen saldhig ay isku abaabulaan dagaalyahanada Al-Shabaab, oo ku yaalla Yaaq Braawe oo katirsan Gobolka Bay.

AFRICOM ayaa sheegtay in lix xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab lagu dilay weerarka, islamarkaana lagu bur-buriyay mid kamid ah baabuurtooda dagaalka, ee goobta yaallay.

War-Saxaafadeedka ayaa lagu shaaciyay in Militeriga Mareykanka ay fuliyey duqeynta iyagoo garab ka helayo ciidanka dowladda Federaalka ah ee Somalia, waxaana intaasi ku dareen inuusan jirin wax khasaaro ah oo shacabka soo gaarey.

Waa weerarkii 5aad oo Mareykanka ka geysto Somalia tan iyo markii uu billowday sanadkan cusub ee 2019, iyadoo tani ay qeyb ka tahay howlgalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab iyo Daacish oo Xukuumadda Washington sheegtay inay khatar ku yihiin danaha Mareykanka ee Geeska Africa iyo muwaadiniintiisa.

Madaxweyne Trump ayaa horaantii 2017 bixiyay amar lagu kordhinayo duqeymaha ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ku sugan Somalia, waxaana la xoojiyay joojigaanta ciidamada Mareykanka, oo la kordhiyay tiro ahaan, oo la gaarsiiyay 500 oo Askari.

Sanadkii tagey, labo Askari oo American ah ayaa lagu kala dilay Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, xilli ay howlgallo ka dhan ah Al Shabaab ku gudaha jireen, waxaana khasaarahan u noqday midkii ugu horeeyay oo Mareykanka kasoo gaara Somalia tan iyo 1993-dii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Uganda oo ku dilay 30 Al-Shabaab Koonfurta Soomaaliya

Kooxda Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo ka badan 16 sano dagaal kula jirtay dowladda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-01-2026

  • 05:21PM

Safaaradda Mareykanka Oo Beenisay Digniin Amni Oo La Xiriirtay Safarka Xasan Sheekh Ee Laascaanood

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Laascaanood ayaa lagu wadaa inuu dhaco Khamiista berri ah.

  • Soomaliya

    14-01-2026

  • 01:34PM