Mareykanka oo duqayn is-difaacid ah ka fuliyey Soomaaliya

Image

KISMAAYO - Al-Shabaab ayaa weerar culus ku qaadey shalay oo Jimco ahayd Kolanyo ay la socdeen ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Mareykan ah oo mareysay degaan 50-KM dhanka Waqooyi Galbeed uga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxey Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika [AFRICOM], ayaa lagu sheegay in weerarka kadib ay fuliyeen duqeyn dhanka cirka ah, taasoo ciidamada dhulka lagu weeraray looga difaacay Al Shabaab.

AFRICOM ayaa tilmaamtey in duqaynta is-daafacidda ah lagu dilay 18 Al-Shabaab ah, iyadoo is-rasaasaynta ay ku dhinteen Labo kale, sida lagu xusey war-saxaafadeedka, kaasi oo nuqul kamid ah uu arkey warsidaha Garowe Online.

"Ciidamada Mareykanka ayaa ka fuliyey Soomaaliya duqayn is-daafacid ah, kadib markii lasoo weeraray. 18 kamid ah Argagxisada Al-Shabaab ayaa lagu diley. Ciidamada Soomaaliya ayaa is-rasaasayn ku diley Labo kale," ayaa lagu yiri qoraalka AFRICOM.

Duqayntaan ka dhacday duleedka Kismaayo, ayaa noqoneysa tii labaad bishaan ka fuliyo Soomaaliya xili midii hore ay diyaarado ka fuliyeen degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose, 11-kii bishaan, taasoo lagu dilay labo Al Shabaab kamid ahaa.

Mareykanka ayaa labo Askari looga dilay 2017-2018 degaanada Bariire [Shabeellaha Hoose] iyo Sanguuni [Jubbada Hoose], xilli Trump uu amray in la kordhiyo weerarada duqeymaha Soomaaliya, ee lagu beegsanayo kooxaha argagaxisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM