Mareykanka oo duqeeyay xarun ay lahayd Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Duqeyn cirka ah ayaa Khamiista maanta ah lagu beegsaday dhisme Al-Shabaab ku leedahay degmada Saakow ee gobolka Shabeellaha Hoose, sidda uu sheegay taliska AFRCOM.

" Qiimeyntii ugu horreysay waxay ku soo gabagabowdey in duqeynta ay waxyeello u geysatay dhisme, dhowr dagaalyahanno Al-Shabaab ahna way carareen, kana hor hortagtay ficilo fool xun," ayuu taliska ku yiri qoraal.

Taliska ciidamadda Mareykanka ee qaaradda Afrika ayaa xusay in aysan jirin waxyeelo dad shacab ah kasoo gaarey howlgalkan. Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo sheegashadan kasoo saartey maleyshiayda hubeysan.

Hoos ka akhriso qoraalka AFRICOM

Iyadoo lala kaashanayo Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday (1) duqeyn cirka ah oo lagu bartilmaameedsaday xarun ay leeyihiin Al-Shabaab oo ku taal agagaarka Saakow, Soomaaliya, Diseembar 24.

Qiimeyntii ugu horreysay waxay ku soo gabagabowdey in duqeynta ay waxyeello u geysatay dhisme, dhowr dagaalyahanno Al-Shabaab ahna way carareen, kana hor hortagtay ficilo fool xun.

Taliska ayaa hadda qiimeeyay in qof rayid ah waxyeelo aysan ka soo gaarin howlgalkaan. Dadaallada lagu doonayo in lagu carqaladeeyo howlaha cadowga, iyo sidoo kale la socoshada iyo cadaadiska lagu saarayo shabakadda al-Shabaab way sii socon doonan.

"Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu sii wadaa inuu si gaar ah diiradda u saaro khataraha Bariga Afrika," ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Badda Mareykanka Admiral Heidi Berg, oo ah agaasimaha waaxda sirdoonka Mareykanka ee Afrika. "Al-Shabaab waxay dooneysaa in kaliya aysan burburin dowladnimada iyo amniga Soomaaliya, laakiin ay bartilmaameedsato dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee jooga Kenya iyo meelaha kale. Waxaan sii wadi doonnaa kormeerka iyo joogteynta cadaadiska shabakadda".

Taliska Mareykanka ee Afrika iyo saaxiibadda caalamiga ah waxay aqoonsan yihiin muhiimadda xasilloonida Soomaaliya. Nabadgelyadu waa tiir muhiim u ah xasilinta oo ay weheliso dowladnimada iyo fursadda dhaqaale.

Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu weli ballan-qaadayaa inuu la shaqeynayo waddamada Bariga Afrika si uu gacan uga geysto helida xasillooni siyaasadeed, dhaqaale, iyo muuqaal ahaan ee gobolka.

Taliska Mareykanka ee Afrika wuxuu sii wadi doonaa la shaqeynta saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa Afrika si loo xaqiijiyo amniga mustaqbalka fog ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.


Duqeyntan ayaa kusoo hagaageysa xilli Mareykanka uu todobaadkan bilaabay geedi u socodka uu ciidamadda ka jooga Soomaaliya ugu wareejinayo Kenya iyo Jabuuti kuwaasoo la qorsheeyay horaanta sanadka 2021.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Warbixin Cusub: Imisa duqeyn ayuu Mareykanka Soomaaliya 2025

Dhibaatooyinka dhinaca amniga ee Soomaaliya waxaa sii adkeeyay go'aan dhawaan ka soo baxay Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Bihi Iimaan Egeh.

  • Soomaliya

    06-03-2025

  • 08:53AM

Axmed Madoobe Oo Ka Dagaalka Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dagaalka milateriga ee ka socda gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sababay dhimashada in ka badan 200 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    05-03-2025

  • 02:11PM