Mareykanka oo Duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa soo saarey War Saxaafadeed uu uga hadlay Duqeyn ay Diyaaradahooda maanta ka fuliyeen Koonfurta Soomaaliya.

AFRICOM ayaa sheegtay in iyagoo kaashanaya ciidamada dowladda Federaalka ay weerar cirka ah ay ka gaysteen deegaan lagu magacaabo Gaduud oo 250 Mile dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.

Duqeyntan oo dhacday Nov 11, abaare 4:30 p.m. waxaa lala eegtay saldhig Al Shabaab ku leedahay deegaanka, waxaana ku dhintay ugu yaraan hal dagaalyahan oo kamid ahaa Kooxda.

Warsidaha Garowe Online ayaa ogaaday in weerarka uu ka dhacay Deegaan ku dhaw Sanguuni, oo dhanka waqooyi uga beegan Buulo-Gaduud, oo ku dhaw magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose, waxaana lagu dilay 3 ruux.

Weerarka kahor, AFFRICOM waxay xustay inay u kuur-galeen oo dusha kala socdeen weeraro argagaxiso oo ka dhanka Kolonyo gaadiid oo Mareykanka iyo Ciidamo Soomaali ah leeyihiin, oo Al Shabaab goobta ku maleegaysay.

Al Shabaab ayaa ku biirtay Al Qaeda 2012, iyadoo gabaad siisay dagaalyahano caalamka uga yimid inay ka dagaalamaan Soomaaliya, kuwaasi oo khatar amni ku haya Mareykanka iyo dalalka gobolka.

AFRICOM waxay kaloo daboolka ka rogtay inay sii wadayaan duqeymaha lagu wiiqayo cududa Al Shabaab, sidoo kalena looga hortagayo shirqoollada loo maleegayo muwaadiniinta Mareykanka.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa tan iyo Arbacadii lasoo dhaafay ka fuliyeen gobollada Shabeellooyinka iyo Jubbooyinka, kuwaasi oo lagu dilay sida ay sheegeen ku dhawaad 100 dagaalame.

Trumo ayaa bishii Maarso ee sanadkan ansixiyay duqeymaha Soomaaliya, isagoo wacad ku maray inuu burburinayo Kooxaha argagaxisada ku sugan dalka, oo Al Shabaab iyo Daacish ka mid yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM