Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ayaa sheegay maanta oo Jimco ah in weerar dhanka cirka ah oo ay ka fuliyeen Khamiistii lasoo dhaafay [25-kii October] gobolka Shabeellaha Hoose ay ku dileen labo kamid ah Al-Shabaab.

Taliska ciidamda Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa xaqiijiyay in duqeynta oo lala eegtay Kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen xubno katirsan Al-Shabaab ay ka dhacday degaanka Kuunyo Barrow, oo qiyaastii 100-KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan Muqdisho.

"Waxaan hadda qiimeynay in labo mintidiin ah ay ku dhinteen weerarka, sidoo kalena lagu burburiyay hal gaari," ayaa lagu yiri War-Saxaafadeedka AFRICOM, oo intaasi ku daray in aaney jirin shacab ku dhintay ama ku dhaawacmey duqeynta.
Ma jiro illo madax-banaan oo warkan AFRICOM xaqiijinaya ama beeninaya.

Weerarka ayaa noqonaya midkii 28-aad ee Mareykanka ka geysto Soomaaliya, taasoo qeyb ka ah howlgalka militeri ee uu Trump amray in la kordhiyo markii uu xafiiska la wareegay horaantii 2017.

Mareykanka ayaa saldhigyo qarsoodi ah ku leh Soomaaliya, kuwaasoo ay ka howlgalaan ku dhawaad 500 oo Askari, oo fuliyo weerarada gaarka ah e elagu beegsado Al-Shabaab, oo duqeymo diyaaradeed u badan.

Saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka waxa uu ku yaall Balli-Doogle, oo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose, kaasoo ay ka duulaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka loo yaqaano.

Bishii May ee 2017, hal Askari oo Mareykanka ay ayaa ku dhintey howlgal gaar ah oo ka dhacay degaanka Bariire, oo aan ka fogeyn saldhigii hore ee cirka ee Balli-Doogle.

Askari labaad ayaa bishii June ee sanadkan 2018 ku dhintay weerar hoobiye iyo mid toos ah oo Al-Shabaab ku qaadey saldhig cusub oo ciidamo Mareykanka, Kenyan iyo Soomaali isagu jira ay ka sameysyteen degaanka Sanguuni, oo ku dhaw magaalada Kismaayo.

Al-Shabaab oo isku dayaysa inay afgembiso dowladda taagt daran ee fadhisa Muqdisho, ayaa wali maamusha dhul ballaaran oo Koonfur Soomaaliya kuu yaalla, waxaana wali awoodda inay fuliso weeraro ka dhan ah saldhigyada ciidamada dowladda iyo kuwa saaxiibada yihiin ee AMISOM iyo Mareykanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Duqeymaha Cirka ee Mareykanka oo Sare u Kacay Soomaaliya Bilowgii 2026

War-saxaafadeedka AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeyntii ugu dambeysay lala beegsaday dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    03-04-2026

  • 09:10AM

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM