Mareykanka oo Duqeyn ka fuliyay Somalia markii ciidankiisa lagu weeraray

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliska Mareykanka ee Qaaradda Afrika, AFRICOM, ayaa sheegay in duqayn ay ka fuliyeen degaanka Araare ee gobolka Jubada Hoose shalay oo Sabti ahayd ay ku dileen afar xubnood oo katirsanaa Al-Shabaab.

Weerarka cirka ah ayaa ka dambeeyay markii rag hubeysan oo ka tirsan kooxda xiriirka la-leh Al-Qaacida ay duulaan ku qaadeen fariisin ay ciidamada ku leeyihiin aggaasi, iyadoo ay usoo gurmatay diyaarad militeriga Mareykanka uu leeyahay.

Duqayntaan ayaa noqoneysa tii 27aad oo uu Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya kaliya sanadkan gudihiisa, kuwaasi oo ay inta badan ku beegsaday Al-Shabaab-ka ku sugan Koonfurta Soomaaliya.

In ka badan 60 dagaalame oo Shabaab ah ayaa lagu dilay duqayntii ugu dhimashada badneed oo uu Mareykanku ka fuliyo dalka 2018, taasi o oo ka dhacday meel ku dhow degmada Xarar-dheere ee gobolka Galgaduud, bishii hore.

AFRICOM ayaa shaaca ka qaaday in duqaynta aysan waxyeelo shacab geysan, xili ay meesha ka saartay in iska hor-imaadka uu ku waxyeeloobeen Askar Mareykanka ah.

In ka badan 500 askar ah ayaa la rumeysan yahay inay Mareykanka ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo ku sugan Saldhigyo qarsoodi ah, halkaasoo uu tababaro ku siiyaan ciidamada dowladda Soomaalida, sidoo kalena ka abaabula duqeymaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM