Mareykanka oo Duqeyn kale u geestay Saldhig Al Shabaab

Image

BALCAD, Soomaaliya - Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa xaqiijiyay in Diyaaradahooda dagaalka ay duqeyn kale oo dhanka cirka ah ay ka geesteen saldhig Al Shabaab ku leedahay Koonfur Soomaaliya.

Duqeyntan ayaa xalay ka dhacday fariisan Al Shabaab oo ku yaalla deegaanka qiyaastii 7KM dhanka Bari uga beegan degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan.

AFRICOM ayaa weerarkan ku tilmaantay mid is-difaacid ah, sidoo kalena looga hortagayay weerar Al Shabab ay qorsheynaysay inay ku qaado ciidamadooda iyo kuwa xulufada ay yihiin ee dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Duqeyntan ayaa noqonaysa midii labaad oo mudo saddex maalmood gudahooda uu Mareykanka ka fuliyo koonfurta Soomaaliya, iyadoo kii ugu dambeeyay ay ka geesteen gobolka Baay, kaasi oo uu kudilay tiro katirsan Al Shabaab.

Gobollada Shabeelooyinka ayaa waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq xooggan, oo ay wadaan ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM kaasi oo hordhac u ah howlgal ay dowladda doonayso inay Al Shabaab uga sifeyso guud ahaan dalka.

Al Shabaab ayaa shalay la wareegtay Basra oo ku yaalla inta u dhaxaysa Afgooye iyo Balcad, kadib markii ay isaga soo baxeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM