Mareykanka oo Duqeyn ku dilay xubno katirsan Al-Shabaab

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFICOM] ayaa sheegay maanta oo Arbaco in weerar dhanka cirka ah ay ka fuliyeen Koonfurta dalka Soomaaliya, shalay oo Talaado ahayd [21-ka August].

War-Saxaafadeed kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu xaqiijiyay in labo xubnood oo kamid ahaa Al-Shabaab ay ku dhinteen duqeyn ay diyaarad dagaal ka fulisay meel qiyaastii 46-KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Kismaayo, ee xarunta Jubbada Hoose.

Qoraalka ayaa lagu caddeeyay in weerarka uusan wax khasaaro ah kasoo gaarin dadka shacabka ah ee ku nool degaanka ay duqeynta ka dhacday, taasoo loo maleynayo inay fulisay diyaarad drone ah.

Weerarkan ayaa noqonaya midkii 20-aad oo Ciidamada Mareykanka ku beegsadaan Kooxda Al-Shabaab gudaha Soomaaliya sanadkan gudahiisa, kuwaasoo lagu dilay dagaalyahanno badan.

Maamulka Trump ayaa bixiyay amar lagu kordhinayo weerarada duqeymaha ee Soomaaliya bishii Maarso ee 2017, si loo wiiqo khatarta kooxaha argagaxisada ee geeska Africa.

Al-Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay tahay kooxda uga khatarta badan gobolka, waxaana ay inta badan weeraro ka fulisaa Soomaaliya iyo Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hogaamiye Al-Shabaab oo Mareykanka $5 million dul-dhigay madaxiisa oo lagu dilay Jilib 

Dowladda Federaalka ayaa mar kale adkaysay go’aankeeda ah inay sii waddo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    02-01-2026

  • 07:41AM

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM