Mareykanka oo duqeyntii saddexaad ka fuliyey Galmudug

Image
Weerarkan dhanka cirka ah ayaa laga soo wariyey u dhexeeeya degaanada Qaycad iyo Hareere Dheere. [Photo: FA]

DHUUSAMAREEB, Galmudug - Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa Axada maanta ah waxay duqeyn ka fuliyeen gobolka Mudug, sida ay shaacisay Wasaaradda amniga maamulka Galmudug.

Sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda, weerarka dhinaca cirka ah ayaa ka dhacay aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Hareere Dheere oo todobaadkii hore howlgalka noocaan ah laga soo wariyey.

Bayaanka wasaaradda oo lagu faafiyey ciwaanka gaarka ah ee Facebook ayaan lagu soo bandhigin khasaaraha ka dhashay duqeynta iyo tiradda dagaalameyaasha Al-Shabaab ee ku naf-waayey.

"Dagaal iyo duqayn dhanka cirka ayaa ka socota saldhig kale oo kooxda argagixisada Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qaycad iyo Hareere Dheere, ayadoo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey," ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Duqaynta saakay ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koofurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar".

"Dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa waxaa si wadajir ah uga qeybgalaya ciidamada Qaranka ee kala duwan, kuwa Galmudug, naftood hurayaasha deegaanka iyo diyaaradaha maraykanka," ayaa lagu soo xiray.

Tan iyo markii xafiiska uu la wareegay Joe Biden, duqeymaha ciidamada ayaa si weyn hoos ugu dhacay sababo la xiriira isbedel dhanka siyaasada howlgalada oo uu sameeyay maamulkiisa wallow buuq uu ka jiro. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM