Mareykanka oo hanjabaad horleh u diray madaxda Soomaalida

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Mareykanka ayaa walaac ka muujiyey rabshadaha Muqdisho oo ka dhashay dagaal saacado badan qaatay oo dhexmaray ciidamo kala taabacsan taliska Farmaajo iyo mucaaradka.

Washington ayaa xustay in wadaxaajood yahay xalka kaliya ee lagu dhameyn karo khilaafka oo asalkiisu yahay qabsoomida doorashooyinka 2020-21 dib-u-dhac balaaran ay ku yimaadeen.

Is-xakameyn ayay ugu baaqdey dhamaan dhinacyadda ay dirirtu u dhaxeyso oo ay horkacayaan hogaamiyeyaasha siyaasadda kuwaasoo isku haya qabashadda xilka ugu sareeya ee waddanka.

Dhamaan talaabooyinka la heli karo oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xayiraadyo fiisaha "si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya" ayay tibaaxdey in ay u diyaarsan yihiin.

Ned Price, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka oo soo saarey war-saxaafadeedka ayaa hoosta ka xariiqay in Mareykanku taageeri doonin xasilooni daro ka dhacda Soomaaliya.

"Mareykanku wuxuu si aad ah uga walaacsan yahay iska hor imaadyadii rabshadaha watay ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho. Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaafaadkood," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Wadahadal iyo is afgarad ayaa ah dariiqooyinka kaliya ee lagu xalin karo jahwareerka doorashada, waxaana ku boorineynaa dhinacyada inay dib u bilaabaan wadaxaajoodka hal mar si loo gaaro wadadii lagu heshiiyey ee horey loogu mari lahaa doorashooyinka deg degga ah".

"Sida uu xoghayaha horey u sheegay, Mareykanku wuxuu diyaar u yahay inuu tixgaliyo dhamaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xayiraadyo fiisaha si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya," ayuu kusoo xiray.

Dhawaqa Mareykanka ayaa xoojinaya diidmadda wakiiladda Beesha Caalamka ee ku saabsan muddu kororsiga labada sano ee taliska Farmaajo sameystay taasoo qeyb ka ah arrimaha keentay rabshadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM