Mareykanka oo howlgal ka fuliyay Soomaaliya [Fahfaahin]

Image

JOWHAR, Soomaaliya - Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa howlgal ciidamo Soomaali ah iyo kuwa Mareykan ah ay ka fuliyeen tuulooyin hoos-yimaadda mBalcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee Koonfurta dalka Soomaaliya.

Saraakiisha amaanka ee gobolka, gaara ahaan kuwa ku sugan Balcad, oo 30-KM dhanka waqooyi uga beegan Muqdisho ayaa tilmaamay in howlgalada oo ahaa kuwa cusub looga saarey kooxda Al-Shabaab degaano hor-leh.

Tuulooyinka laga wareegay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay kala yihiin; Buulo Kuunto, Daniga Baalow, Basro, Garasweyne iyo kala, oo ay dhamaantooda gacanta ku haysay Al-Shabaab.

Mas'uuliyiinta gobolka iyo kuwa degmadda Balcad ayaa caddeeyay in ciidamada huwanta ah ay kala kulmeen Al-Shabaab iska caabin intii ay socdeen howlgalada ay ka fuliyeen degaanadda dib loo qabsaday.

“Howlgalka oo ay qayb ka ahaayeen ciidamo Mareykan ah, waxa uu ahaa mid qorsheysan. Waxaana ku qabsanay degaano dhowr ah, kuwaasoo ay Al-Shabaab kasoo qaadi jireen weeraradda,” ayuu yiri sarkaal lagu magacaabo Cabdifitaax Xaaji.

Kooxda Al-Shabaab, ee xiriirka la leh Al-Qaacida wali dhankeeda kama aysan soo saarin wax war ah, oo ku saabsan sheegashadda maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgaladaan ay ka sameeyeen ciidamada huwanta ah ee isugu jira Soomaalida iyo Mareykanka ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa maalmo un markii degaanada ku dhow degmada Balcad ay marti-geliyeen weeraro khasaaro dhaliyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM