Mareykanka oo in ka badan $900 oo million ugu deeqay Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay siinayso Soomaaliya in ka badan $900, oo ay ugu tala-gashay in ku maal-geliso kaabiyaasha dhaqaale ee dalka, sida caafimaadka iyo waxbarashada.

Waa deeqdii dhaqaale ee ugu horeeyay oo Mareykanka siiso dowladda Federaalka tan iyo doorashadii Madaxweyne Farmaajo February 8, 2017.

Madaxweyne Trump ayaa safiir cusub oo lagu magacaabo Donald Yamamota usoo diray Muqdisho 2-dii bishan, iyadoo Mareykanka uu dib usoo celiyo joogitaankiisa diblomaasiyadeed ee Soomaaliya.

Waxay kaloo dowladda Mareykanka sheegtay in $110 million ay ku bixin doonto dowlad wanaagga, xalinta colaadaha iyo dib u dhiska garsoorka Soomaaliya.

Tani ayaa kusoo beegmaysa xilli Mareykanka uu Soomaaliya ku daray Liiska dalal dhowr ah, oo ka mamnuucay inay galaan dalkiisa, sababo la xiriira khatar argagaxiso oo suurta-gal ah inay uga timaado.

Mareykanka ayaanan wali safaarad ka furan Muqdisho, balse waxa uu ku leeyahay xafiis ka shaqeeya howlaha diblomaasiyadeed kaasi oo ku yaalla gudaha xarunt ciidamada AMISOM ee Xalane.

Safaaradda Mareykanka ayaa ku shaqeysa Nairobi, iyadoo safiirka uu si joogto ah u yimaada Muqdisho, maadaama uu ku magacaaban yahay, si uu uga shaqeeyo danaha dowladdiisa ee Soomaaliya.

Marka laga soo tago arrimaha diblomaasiyadda, Mareykanka ayaa ciidamo fara ku tiris ah ka jooaga Soomaaliya, kuwoo fuliyo howlgallo gaar ah, oo ka dhan ah Al Shabaab iyo Daacish.

Labo Askari ayaa tan iyo 2017 looga dilay Mareykanka gobollada Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose, waxaana ay noqonaysaa khasaarihii ugu horeeyay tan iyo 1993 markii 18 askari lagu dilay Muqdisho.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM