Mareykanka oo "iska-indha tira" rayidka uu ku dilo Soomaaliya

Image

MUQDISHU, Soomaaliya – Ibraahim Xasan oo ay wehliyaan laba kamida saaxiibadii iyaga oo dib ugu soo laabanaya Muqdisho 18-kii Maaj waxaa duqeeyay gaarigooda Mareykanka.

Marxuumka, oo waqti kusoo qaatay tuulada Muuri ee gobolka Shabeellaha Hoose si uu usoo kormeero beerka reerkiisa ayaa la dilay isaga iyo qof kale.

Shaqsiga saddexaad oo baabuurka la socday ayaa ku dhintay Isbitaal markii loola soo cararay maadaama uu dhaawacmay.

Bayaan kasoo baxay milatariga Mareykanka ee Afrika waxaa lagu sheegay in raggaan ay u beegsadeen "in ay ku howlanaa u qorista dhalinyaro AlShabaab".

Balse baaritaan uu sameeyay wargeyska Foreign Policy ayuu ku ogaaday in dadka la dilay aysan wax xiriir ah la lahayn Al-Shabaab, si khalad ahna loo beegsaday.

Hadii la xaqiijiyo waxay kordhineysaa tirada shacabka ee uu milatariga Mareykanka ku dilay weerarada cirka ah ee uu ka fuliyo dalka dhaca bariga Afrika.

"Walaalkeyga aan waxba galabsan waxa uu noqday dhibane duqeyn. Hadda nolosha ayaa la tacaaleynaa kadib geeridiisa," ayuu yiri Axmed, walaalka Ibraahim.

Ibraahim oo ifka kaga tegay todoba caruur ayaa waxaa uu ahaa ganacsade, kaasi oo lahaa Tukaan iyo waliba xarun shidaalka lagu iibiyo.

Aniga waxaan ka codsan lahaa Mareykanka in uu baaro duqeyntas, walaalkey xiriir lama laha Al-Shabaab," ayuu raaciyay.

Axmed oo la shaqeeya hay'add bini'aadanimo oo caalami ah, ayaa sheegay in labada qof kale ee la dilay ay deriskooda ahaayeen.

Maalin kadib duqeyntaas, taliska AFRICOM waxay shaaciyey in ay hubineyso sheegashooyinka ku aadan in ay rayid laysay.

Balse todoba isbuuc kadib, walaalka Ibraahim ayaa waxa uu tilmaamay in aysan jirin wakiil ka ah Mareykanka oo u timid si kiiska loo eego.

Jaraa'idka Foreign Policy oo intaasi kadib la xiriiray AFRICOM ayaa kasoo xigtay afhayeen John Manley: "Wali dib u eegista sheegashooyinka dhimashada shacabka ayaa ku socota.

Manley ayaa waydiiyay wargeyska goob ay kala xiriiraan qoyska dhibanaha ah, sidda ku cad warbixinta uu Joornaalkaan daabacay.

Amnesty International ayaa sheegtay in 14 oo shacab ah ay ku dhinteen weerarada cirka ah ee Mareykanka uu ka fuliyey Soomaaliya tan iyo 2017-kii. Hasayeeshee, AFRICOM waxay qiratay laba oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM