Mareykanka oo ka digay carqaladeynta doorashada Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA - Dowladda Mareykanka oo si adag uga digtey carqaladeynta qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ayaa ugu baaqdey madaxda Soomaalida in ay degdeg ku gaaraan heshiis siyaasadeed.

"Mareykanku wuxuu aad uga walaacsan yahay carqaladeynta doorashada ee ka jirta Soomaaliya, taasoo abuureysa hubanti la'aan siyaasadeed oo khatar ku ah amniga, xasilloonida, iyo horumarka dalka," ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Mareykanka.

Antony Blinken ayaa ku daray: "Waxaan ugu baaqeynaa madaxda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah ee Soomaaliya in ay dhinac iska dhigaan ujeeddooyinka siyaasadeed ee ciriiriga ah, ayna ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, ayna oggolaadaan in si deg deg ah loo qabto doorasho hufan oo loo dhan yahay".

"Caqabada hada jirta waxay wiiqeysaa horumarka la sameeyay ilaa maanta, waxay dib u dhigeysaa dib u habeynta si deg deg ah loogu baahan yahay si Soomaaliya ay ugu sii socoto wadada loo marayo cafinta deynta oo dhameystiran, waxayna caqabad ku tahay la dagaalanka argagixisada," ayuu tibaaxay.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo wajahayo eedeymo ku saabsan in uu kasoo horjeedo qabashada doorasho xor iyo xalaal ah ama wadahadalo xal loogu goobayo is-mari-waaga ka taagan doorashada.

"Mareykanku wuxuu taageerayaa xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed ay u leeyihiin inay ku mudaaharaadaan si nabad ah, wuxuuna si adag uga soo horjeedaan adeegsiga rabshadaha ee koox kasta," ayuu xusay.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay: "Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay ku gaaraan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM