Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya
MUQDISHO – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa walaac ka muujiyay suurtagalnimada in Xuutiyiinta Yemen ay xiriir la yeeshaan kooxda Al-Shabaab, taas oo laga cabsi qabo inay sare u qaaddo awoodda kooxda Soomaalida ee ay weerarro ugu qaaddo ciidamada Mareykanka iyo danahooda gobolka Geeska Afrika.
Sarkaal ka tirsan AFRICOM oo la hadlay warbaahinta isaga oo codsaday inaan magaciisa la shaacin ayaa sheegay in iskaashi suuragal ah oo dhex mara Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab uu kooxda siin karo fursad ay ku hesho hub casri ah, tababar iyo khibrad farsamo oo la xiriirta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.
Walaaca Mareykanka ayaa sidoo kale la xiriira muhiimadda istaraatiijiyadeed ee Gacanka Cadmeed, oo ah marin-biyood muhiim u ah isu socodka maraakiibta ganacsiga ee isku xira Bariga Dhexe, Afrika iyo suuqyada caalamka.
Haddii Xuutiyiintu taageero saadka ah ama saldhig ka helaan gudaha Soomaaliya, waxaa suuragal ah inay ballaariyaan hawlgalladooda gobolka, taas oo adkeyn karta ilaalinta maraakiibta isaga kala goosha Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Si kastaba ha ahaatee, weli si madax-bannaan looma xaqiijin baaxadda joogitaankooda Soomaaliya ama heerka xiriirka ay la leeyihiin Al-Shabaab.
Arrintan ayaa sidoo kale walaac ku abuurtay amniga Camp Lemonnier ee dalka Jabuuti, oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidamada Mareykanka ee gobolka, lagana hago hawlgallo badan oo amni iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan ee Bariga Afrika.
Taliyihii hore ee AFRICOM, Jeneraal Michael Langley, ayaa sannadkii hore u sheegay Congress-ka Mareykanka in Xuutiyiintu awood u leeyihiin inay weeraraan xarumaha ciidamada Mareykanka ee Jabuuti haddii ay go'aansadaan inay sii xoojiyaan iska horimaadkooda Washington.
Walaaca amni ayaa soo baxaya xilli wargeyska The New York Times uu toddobaadkan sheegay in Wasaaradda Difaaca Mareykanka ay qorsheynayso inay qaar ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee MQ-9 Reaper ka wareejiso Soomaaliya, si loogu adeegsado hawlgallo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha ee Koonfurta Ameerika.
Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso. Waxay sidoo kale xustay in diyaaradaha MQ-9 Reaper ee Mareykanka ay la kulmeen khasaare tan iyo markii uu dhammaadkii bishii Febraayo billowday dagaalka Iran.
Diyaaradaha MQ-9 Reaper ayaa loo adeegsadaa kormeerka, ururinta xogta sirdoonka iyo weerarrada bartilmaameedyada gaarka ah. Tirada diyaaradaha laga qaadayo Soomaaliya iyo saameynta tallaabadaasi ku yeelan karto hawlgallada Mareykanka weli si cad looma faahfaahin.
Al-Shabaab, oo xiriir la leh Al-Qaacida, ayaa muddo sannado ah dagaal kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya, waxayna si joogto ah weerarro uga fulisaa ciidamada ammaanka iyo goobaha ay joogaan dadka rayidka ah.
Xuutiyiinta, oo ah dhaqdhaqaaq hubeysan oo taageero ka hela Iran, ayaa iyaguna weerarro ka fuliyay maraakiibta ganacsiga iyo kuwa milatari ee Badda Cas iyo marin-biyoodka ku xeeran.
Ilaa hadda, ma jiraan faahfaahin dadweyne oo si buuxda u caddaynaysa heerka xiriirka hawlgal ee Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab ama in Xuutiyiintu saldhig rasmi ah ka samaysteen Soomaaliya. Sidaas darteed, sheegashooyinka ku saabsan joogitaankooda iyo iskaashigooda waxay weli u baahan yihiin xaqiijin dheeraad ah.
GAROWE ONLINE