Mareykanka oo ka laabtey go'aan uu horey uga qaatey duqeymaha Somalia

Image

MUQDISHO, Somalia - Taliska Mareykanka ee qaarada Afrika [AFRICOM], kaasoo kormeera howlgalada milatari ee qaarada, ayaa mar kale bilaabi doona baahinta waxyeelada weerarada circa ah loogu geysto kooxda Al-Shabaab.

Go’aankaan ayaa kusoo beegmaya iyada oo uu talisku mar sii horeysay ka dhawaajiyay inay gabi ahaanba hakinayaan shaacinta khasaaraha, balse, ay macluumaadka la wadaagi doonan dowlada.

"Fahfaahinta xogta weerarada circa ah iyada oo la sheegayo goobta iyo khasaaraha argagaxisada loo geystay waxay ka caawineysaa Soomaaliya gaarida istaraatiijiyada hadafka amni," ayuu John Manley, afhayeenka AFRICOM yiri

Khamiistii ayay ahayd markii Mareykanka uu shaaciyay in duqayn uu kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida kula beegsaday meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, balse, uusan bixin fahfaahinta dhimasho ama dhaawac.

Sarkaal sare oo ka tirsan waaxda difaaca ee Mareykanka ayaa u sheegay VOA-da in howlgalkaasi ay ku dileen mid kamid ah dagaalamayaasha Al-Shabaab, kaasoo ku sugnaa bar kontarool oo laga galo Jilib.

Afhayeenka ciidamada Soomaaliya, Cabdinuur Ibraahim ayaa tilmaamay in khasaaraha duqayntaasi ka dhalatay ay korodhay, isaga oo tibaaxay in lagu khaarijiyay 52 kamid ah xoogaga Shabaab.

Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka taageera Soomaaliya la dagaalanka waxa loogu yeero argagaxisada, kuwaasi oo ah halista ugu wayn ee dhinaca amaanka dalkaan dhaca Geeska Afrika.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM