Mareykanka oo kahor tagay weerar argagaxiso oo ku wajahnaa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa lagu sheegay in Duqeyn ay ka fuliyeen shalay gobolka Shabeellaha hoose looga hortagey khatar argagaxiso oo ku wajahnayd Muqdisho.

AFRICOM ayaa xaqiijisay in Duqeyn diyaaradeed ay ku burburiyeen Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa oo kasoo baxay deegaan 65KM Konfur galbeed uga beegana magaalada Muqdisho.

Deegaanka waxaa lagu sheegay inuu yahay Mubaarak, oo ku dhaw Bariire, halkaasi oo ay maamusho Kooxda Al Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarka aan wax khasaaro ah kasoo gaarin shacabka.

Al Shabaaba ayaa dhankeeda baahisay sawirrada gaari HOMY ah oo saaran Khudaar, kaasi oo ku sheegtay inuu yahay mid ay diyaaradaha Mareykanka bartilmaameedsadeen.

AFRICOM ayaa kordhisay weerarada dhanka cirka ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo lala eeganayo fariisamaha Al Shabaab iyo hogaamiyaasheeda tan iyo wixii ka dambeeyay amarkii Trump kasoo baxay bishii Maarso sanadakan.

Mareykanka ayaa ku tilmaamay duqeymaha Soomaaliya kuwa uu ku difaacayo muwaadiniintiisa ku sugan Geeska Africa iyo inuu ku taageerayo ciidamada dowladda Federaalka la dagaalanka Al Shhabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kadib markii uu codeeyay, Xasan Sheekh oo ku baaqay wadahadal xilli uu jiro Khilaaf doorasho

Doorashadan maanta waa xilli taariikhi ah," ayuu yiri Madaxweynaha, isaga oo xusay in hirgelinta nidaamka hal qof.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 10:58AM

Al-Shabaab oo weli ah khatarta ugu weyn ee amniga Soomaaliya iyo Geeska Afrika 

In kasta oo dadaallo joogto ah oo ay wadaan ciidanka Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah lagu xakameynayo howlgallada Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    25-12-2025

  • 07:45AM