Mareykanka oo kahor tagay weerar argagaxiso oo ku wajahnaa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - War kasoo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa lagu sheegay in Duqeyn ay ka fuliyeen shalay gobolka Shabeellaha hoose looga hortagey khatar argagaxiso oo ku wajahnayd Muqdisho.

AFRICOM ayaa xaqiijisay in Duqeyn diyaaradeed ay ku burburiyeen Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa oo kasoo baxay deegaan 65KM Konfur galbeed uga beegana magaalada Muqdisho.

Deegaanka waxaa lagu sheegay inuu yahay Mubaarak, oo ku dhaw Bariire, halkaasi oo ay maamusho Kooxda Al Shabaab.

Mareykanka ayaa sheegay in weerarka aan wax khasaaro ah kasoo gaarin shacabka.

Al Shabaaba ayaa dhankeeda baahisay sawirrada gaari HOMY ah oo saaran Khudaar, kaasi oo ku sheegtay inuu yahay mid ay diyaaradaha Mareykanka bartilmaameedsadeen.

AFRICOM ayaa kordhisay weerarada dhanka cirka ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo lala eeganayo fariisamaha Al Shabaab iyo hogaamiyaasheeda tan iyo wixii ka dambeeyay amarkii Trump kasoo baxay bishii Maarso sanadakan.

Mareykanka ayaa ku tilmaamay duqeymaha Soomaaliya kuwa uu ku difaacayo muwaadiniintiisa ku sugan Geeska Africa iyo inuu ku taageerayo ciidamada dowladda Federaalka la dagaalanka Al Shhabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM