Mareykanka oo markab dagaal u diray biyaha Soomaaliya

Image

WASHINTON, US – Dowladda Mareykanka ayaa markab dagaal oo weyn waxay u soo dirtay biyaha Soomaaliya, sidda ay ku warameyso warbaahinta maxaliga ah ee ka howlgasha waddankaas.

Sidda ay warbixinadda muujinayaan, markabkan ayaa waxaa loosoo diray in ay uu caawiyo ciidamadda Mareykanka isla markaana qeyb ka noqdo daad-gureynta hantida ay ka baxayaan.

Hantidaas oo aan la fahfaahin waxay ay tahay ayaa lagu wadaa in la daabulo saddexda todobaad ee soo aadan.

Wararka ayaa sheegaya in markabkan lagu magacaabo USS Hershel "Woody" Williams uu si gooni ah ula shaqeyn doono guutadda kamid ah ciidamadda Mareykanka ee Operation OCTAVE QUARTZ.

Talaabadda ay Washington kusoo dirtay markabkan waxay kusoo hagaageysaa xilli lagu waddo in horaanta 2021 ay ciidamadda ka jooga Soomaaliya u wareejiso wadamadda Kenya iyo Jabuuti.

Mareykanka oo sanadihii ugu dambeeyay ka howlgalayey Soomaaliya ayaa door ka qaatay dhismaha ciidamadda Soomaaliya, tababarkooda, qalabeyntooda iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa si cad waxay uga soo horjeestay bixitaanka askarta Mareykanka, iyadda oo tibaaxdey in ay dharbaaxo ku tahay ololaha qaranka kula dagaalamayo kooxaha xagjirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM