Mareykanka oo qaadacay ku darsiga maamulka Farmaajo

Image

WASHINGTON, USA – Guddiga xiriirka dibadda Aqalka Sare ee waddanka Mareykanka ayaa si adag wuxuu uga hor-yimid muddo kordhinta lagu muransan yahay ee Golaha Shacabka u sameeyay maamulka Farmaajo.

Qoraal lagu daabacay barta Twitter-ka ee guddigan ayaa lagu caddeeyay in ay talaabadan ay curyaamineyso geedi socodka lagu goobayo in coddeynta soo aadan ay noqoto mid lagu kalsoonaan karo.

Bayaanka oo looag falceliyey qoraal majaladda AP ka diyaarisay muddo kordhinta ayaa hoosta looga xariiqay in go’aanka halka dhinac ee Aqalka Hoose ay xasilooni darro u horseedeyso dalkan dhaca Geeska Afrika.

Hogaamiyeyaasha ayaa loogu baaqay in ay dib ugu laabtaan wadahadaladda isla markaana ay joojiyaan carqaladeynta wadaxaajoodka.

"Doorashooyin waqtigooda ku dhaca waa tiir muhiim u ah badqaka dimuqraadiyadda. Isku-dabaridka muddo kordhin waa jebinta caadooyinka dimuqraadiyadda waxaana ay xasilooni darro u horseedeysaa Soomaaliya. Daneeyeyaasha waa waajib in ay gaaraan heshiis. Isku-dayada lagu carqaladeynayo wadahadaladda dhabaha doorashooyin lagu kalsoonaan karo waa in la joojiyaa," ayuu lagu yiri warka qoraalka ee guddiga.

Shalay ayay ahayd markii Golaha Shacabka uu ku dhawaaqay in uu muddo kordhin laba sano ah u sameeyay maamulka Farmaajo.

Muddo kordhintaas ayaa la macno ah in meesha uu ka baxayo heshiiska doorasho ee la gaarey 17-kii September, 2020 iyo in ay soo xirmayaan dhamaan albaabadii wadaxaajoodyadda ee xalka loogu goobayey khilaafka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM