Mareykanka oo safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya

Image

WASHINGTON, USA - Madaxweyne Joe Biden ayaa Larry Andréu u soo magacaabay danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, isaga oo bedelaya Donald Yamamoto, sida uu baahiyey telefishinka afka dheer ee CNN.

Talaabadan oo ah isbedelkii ugu horeeyay oo Biden ku sameeyo ergada Mareykanka ee dibada ayaa timid xilli Soomaaliya ay dhexda kaga jirto jahwareer siyaasadeed iyo is-mari-waa doorashooyin.

Khilaafka doorashooyinka waqtigii loo balansaa in ay qabsoomaan lasoo dhaafay ayaa salka ku haya qaabka u dhaceyso coddeynta, sidda ammaanka loo sugayo iyo in natiijadda ay noqoto mid lawada aqbalo.

Dowladda haatan jirta oo ah mid sharciyadii ka dhamaatay ayaa hogaankeeda wuxuu mucaaradka ku eedeynayaan in ay rabto in ay waddanka ka qabato hanaan doorasho oo madaxda talineysa u adeegaya.

Todobaadkan, xiisada ayaa meel sare gaartay kadib markii Golaha Shacabka uu muddo kordhin laba sano ah u sameeyay madaxda waqtiga ka dhamaadey taasoo mucaaradka iyo Beesha Caalamka diideen.

Waa kuma Larry Andréu?

Mareykanka ayaa kamid ah daneeyeyaasha caalamiga ah ee ganafka ku dhuftay talaabadaas kuna goodiyey in ay dib-u-eegayaan xiriirka Soomaaliya iyo cunaqatabeyn ka dhan ah kuwa caqabada ah.

Magacaabida André ayaa sidoo kale waxay kusoo aadeysaa xilli maamulka Farmaajo uu si furan isaga caabiyey diidmadda xooggan ee diblumaasiyiinta ka muujiyeen ku darsiga "sharci darada ah".

Larry Edward André Jr oo 60-sano jir ah ayaa diblumaasiaydda ka shaqeynaya tan iyo ilaa 1990. Wuxuu lasoo shaqeeyay madaxwayneyaashii hore ee Mareykanka, Barrack Obama iyo Donald Johnson Trump.

Wuxuu soo noqday safiirka Mareykanka ee Jabuuti 2017 ilaa 2021. Si lamid ah wuxuu Mareykanka ku matalay Muritania sanadihii 2014 ilaa 2017. wuxuu sidoo kale xilal kala duwan kasoo qabtay Waaxda Dibada.

Maamulka Biden oo horey uga dhawaajiyey in qaarada ay ku jirto qorsheyaashiisa hor-tabinta u leh ayaa u muuqda mid isbedelka uga gol leh sidii Washington dib ugu soo ceshan lahayd saameyntiisa qaaradda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Daacish kala wareegay Saldhigyo Muhiim ah

Ciidamada Puntland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan dadaalka ay ugu jiraan sidii ay uga cirib tiri lahaayeen kooxaha argagixisada gobolka Bari.

  • Soomaliya

    25-02-2025

  • 10:33AM

Libya iyo Soomaaliya oo Kawada Hadlay Iskaashiga Laba Geesood ah

Soomaaliya ayaa dhawaan ka baxday liiska dalalka daymaha haya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka dib 35 sano.

  • Soomaliya

    24-02-2025

  • 01:50PM