Mareykanka oo soo bandhigay sababaha Dowladda Somalia ugu fashilantay dagaalka Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Somalia - Sirdoonka Mareykanka ayaa soo bandhigay warbixin cusub oo uu kaga hadlay fashilka dowladda Faderaalka Somalia ee dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Warbixintan oo ka kooban 42 bog, islamarkana la daabacay January 29 ayaa la sheegay in Al-Shabaab wali sii wadi doonto khatarta ay ku hayso dalalka Geeska Africa, sababo la xiriira guul-darrada dagaalka lagula jiro Kooxdan.

Taliyeyaasha hay'adaha kala duwan Sirdoonka Mareykanka [CIA-da, FBI-da iyo NSA] ayaa diyaariyay warbixintan oo daboolka ka qaadey in saddex qodob ay keeneen in Al-Shabaab looga adkaan waayo dagaalka.

Sababaha fashilka keenay:

1 - Tartanka Siyaasiyiinta Soomaalida

2 - Musuq-maasuqa

3 - Wada-shaqeyn la'aanta hay'adaha amniga

Warbixintan ayaa sidoo kale lagu sheegay in Ciidamada AMISOM oo ka kooban 21,000 oo Askari, kuwaasoo ay ku jiraan 4,000 oo Kenyan ah aysan awoodin inay Al-Shabaab ka saaraan guud ahaan Somalia, kahor inta aysan kasoo bixin dalka 2021.

Fashilkan lasoo bandhigay ayaa ka dhigaysa Al-Shabaab koox khatarteeda soo xoogeysanayso, oo adoow u leh wali inay weeraro xoog leh ka fuliso gudaha Somalia iyo Kenya.

Iydoo difaacaysa danaheeda gobolka iyo amniga muwaadiniinteeda, dowladda Mareykanka ayaa duqeymo joogto ah ku haysa goobaha ay ku sugan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, si uu u wiiqo awoodda Kooxdan ku abaabuleyso weerarada.
 
Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaa ka dhacay Somalia weeraro taariikhda baal-madow ka galay, oo shacab badan lagu laayey, kuwaasoo uu kamid yahay qaraxii Zoobe, 14-kii October 2017, kaasoo lagu dilay ku dhawaan 1,000 qof.
 
GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM